Cristiano Ronaldo ayaa Lagu Amaanay Run Ka Hadalka Xilli Uu Si Geesinimo Leh Uga Jawaabay Hadii Uu Ku Laabanayo Kooxdiisii hore ee Caruurnimada Ee Sporting Lisbon.
Ciyaaryahanka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa la sharfay intii lagu guda jiray dhacdadii isku aadka Champions League ee ka dhacday magaalada Monaco xalay oo Khamiis ahayd, halkaasoo lagu guddoonsiiyay abaal-marin uu ku muteystay inuu ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Champions League, isagoo ku faanay inuu dhaliyay 140 gool 183 kulan oo uu saftay.
Ronaldo ayaa sidoo kale shan jeer ku guuleystay tartamada Yurub ee caanka ah, hal mar wuxuu la qaaday Manchester United iyo afar jeer oo uu la qaaday Real Madrid.
Intii la sameynayaya isku aadka, waxaa soo baxay magaca kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon, gabadha xidhiidhiyaha ka ahayd xaflada ayaa waaydiisay Ronaldo,hadii ay macquul tahay inuu jeclaan lahaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii caruurnimada ee Sporting Lisbon.
Ronaldo ayaa kadib bixiyay jawaab aan lagu daahin oo geesinimo leh isagoo yidhi:
“Maya runtii ma dhici karto oo macquul maha”.
Gabadha xaflada xiriirinaysay ayaa intay yaabtay tidhi, ” waxa keliya ee aan ku jeclahay Cristiano waa run sheega.
Si kastaba Ronaldo ayaa xalay muujiyay inuusan ka maqneen tartanka Champions League isagoo sidoo kale xusay in xasuustiisa ay taalo.