Ronaldo ayaa gool lama ilaawaan ahaa u dhaliyay Real Madrid kulankii Juventus 2018kii.
Cristiano Ronaldo ayaa si kaftan ah uga raali galiyay Gianluigi Buffon goolkii caanka ahaa ee islaabka ahaa uu ka dhaliyay Juventus sanadkii 2018.
Ronaldo iyo Buffon ayaa labadooduba goob joog ka ahaa magaalada Monaco , oo xalay ka dhacaysay isku aadka Champions League-ga.
Mawduuca ku saabsan gool-dhaliyaha cajiibka ah ee Ronaldo ayaa la soo hadal qaaday kadib xiddiga reer Portugal ayaa dhoola cadeeyay isaga oo Buffon u sheegay in uu ka xun yahay.
Goolkii uu Ronaldo ka dhaliyay Buffon ayaa yimid lugtii hore ee wareega 8da Champions League ee ka dhacay Turin.
Real Madrid ayaa ku badisay 3-0 kulan ka dhacay Italy,waxana ay ku soo baxday wadar ahaan 4-3 inkastoo lugtii labaad looga badiyay 3-1.
Real ayaa sanadkaas ku guuleysatay Champions League iyadoo 3-1 ku garaacday Liverpool finalkii.
Buffon iyo Ronaldo ayaa ugu dambeyntii saaxiibo ku noqday Juventus, iyadoo Ronaldo uu ku biiray kooxda reer Talyaani 2018, goolhayaha ayaana ku soo laabtay kooxda sannadkii xigay ka dib markii uu muddo yar joogay Paris Saint-Germain.
Labaduba waxay joogeen Talyaaniga ilaa 2021.
Juventus ayaa ku guuleysatay horyaalka Seria A xilli ciyaareedkii 2019-20 iyo Coppa Italia ololihii xigay.
Ronaldo ayaa markaas dib ugu laabtay Manchester United ka hor inta uusan u saxiixin Al-Nassr.
Dhanka kale, Buffon, ayaa sidoo kale ku laabtay mid ka mid ah naadigiisii hore ee Parma ka hor inta uusan ciyaaraha ka fariisan 2023.