Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa durba bilowday shaqadeeda suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay dhamaystirtay saxexeedii koowaad.
Manchester City oo u dagaallamaysa inay ku guuleysato horyaalka Premeir League sannadkii afraad oo xidhiidh ah, ayaa waxa ay xoojin doontaa kooxdeeda marka uu suuqu furmo, hase yeeshee waxa ay ku hormartay dhinaca bixitaanka oo hadda laacibkii koowaad uu si rasmi ah shandaddiisa uga xidh-xidhay.
Kooxda saddexda koob ee Champions League, Premier League iyo FA Cup ku guuleysatay xilli-ciyaareedkii hore, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa xiddigaha reer Brazil ee Bruno Guimaraes iyo Lucas Paqueta, laakiin ka hor inta aanay u dhaqaaqin ciyaartoydan, waxa furmay albaabka bixitaanka oo uu si rasmi ah uga tegay Tommy Doyle.
Manchester City ayaa waxa ay heshiis buuxda la gaadhay Wolves oo xaqiijisatay inay dhaqan-gelinayso qodob ku jiray heshiiskii amaahda ahaa ee ay Tommy Doyle amaahda kaga soo qaadatay Etihad Stadium, kaddib markii uu sannad bandhig heersare ah ka sameeyey Molineux Stadium.
Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, Doyle oo amaah ku tegay Wolves, ayaa waxa ay kaliya kooxdaasi bixin doontaa £4.3 milyan oo Gini oo kaliya.
22 jirkan ayaa kooxdiisa cusub u saxeexi doona heshiis afar sannadood ah oo ay wehelinayaan laba kale oo dookh ah, laakiin waxa uu seegi doonaa ciyaarta Sabtida ee Manchester City iyo Wolves maadaama aan loo ogolayn inuu ka hor tago kooxda uu amaahda kaga yimid.