Daafaca France, Ibrahima Konate, ayaa sheegay in xulkiisa aysan tebin kabtankooda Kylian Mbappe oo laga saaray xulka.
Daafaca Liverpool waxa uu aaminsan yahay in ay wax weyn qaban karaan isaga iyo saaxiibadiisa kale xitaa iyadoo uusan kujirin Superstar-ka Real Madrid Mbappe.
France ayaa caawa wajaheysa Italy kulan ay u dagaalami doonaan booska ugu sareeya guruubkooda UEFA Nations League.
Labada xul ayaa horay u soo afjaray u soo bixitaanka wareega 8-aad ee tartanka UEFA Nations League.
Mbappe ayaa laga saaray xulka France markii labaad oo xiriir ah ciyaaraha caalamiga ah taasoo hadalheyn badan dhalisay.
Konate oo Liverpool ka tirsan ayaa shirkiisa jaraa’id ee ugu dambeeyay ku tilmaamay in inkasta oo Mbappe uu muhiimad weyn leeyahay ay haddana guulaysan karaan la,aantiis.
Wuxuu yiri “Sida iska cad France way guulaysan kartaa Mbappé la’aantiis. Marna ma iloobi karno dhammaan wixii uu sameeyay, laakiin maqnaanshihiisa waxba sameyn ah malaha.
Deschamps waxaa ka maqnaa weeraryahankiisa Kylian Mbappe markii uu wajahay Belgium iyo Israel bishii October, waxayna badiyeen labadaas kulan, iyagoo dhaliyay lix gool.