Kaadhka casaanka ah ee la siiyey Ronaldo ayaa la sheegay in uu keenayo, in Ronaldo uu bixiyo lacag ganaax ah oo u dhaxaysa 10,000 illaa 20,000 Riyal oo lacagta Sucuudiga ah iyo laba ciyaarood oo laga ganaaxi doono maadaama falka uu ku kacay uu ahaa mid badheedh oo markii dambena uu sameeyey falcelin ahayd inuu garsooraha dhalliilayey.
Labada ciyaarood ee horyaalka Sucuudiga ee Al-Fayha iyo Al-Khaleej ayuu Cristiano Ronaldo seegi doonaa, waxaase arrintan kasoo horjeedsaday tababaraha Al-Nassr ee Luis Castro oo sheegay in go’aanka garsooruhu uu casaanka ku siiyey Cristiano Ronaldo uu qalad ahaa, isla markaana difaaca Sucuudiga ee Al-Bulayhi uu sameeyey jilliin istuuris ah.
Dhinaca kale, Al-Nassr ayaa la sheegay in ay rafcaan ka qaadan doonto ganaaxa lagu riday Cristiano Ronaldo, haddii kalena ay kooxdu ka bixin doonto lacagta lagu xukumay inkasta oo uu xiddiga reer Portugal yahay ciyaartoyga ugu mushaharka badan kubadda cagta dunida.