Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu qasbayaa in ay iibiso xiddigo muhiim ah si ay uga badbaaddo in la ganaaxo marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda ee uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu.
Chelsea ayaa la sheegay inay jabisay sharciga dhaqaalaha, kaddib markii ay kharash gareeyeen lacag ka badan £1 bilyan oo Gini intii ka dambaysay suuqii xagaagii 2022 oo ahayd markii ay la wareeeen Todd Boehly iyo shirkadda ku bahowday Clearlake Capital.
Premier League oo hore anaaxyo ugu soo rogay Nottingham Forest iyo Everton oo lagu helay in khasaaraha ay galeen uu aad uga badan yahay intii loo ogolaa ayaa waxa sidaas oo kale inay ku dhacdo halis ugu jirta Chelsea.
Sida uu qoray wargeyska The Times, Chelsea ayaa laga doonayaa in ay soo xarayso lacag dhan £100 milyan oo Gini oo dakhli ah inta aanay waxba kharash garaynin si ay uga badbaadaan in la ganaaxo.
Labada ciyaartoy ee Reece James iyo Conor Gallagher ayaa la sheegay in Chelsea ay ku dartay liiska ciyaartoyda ay iibinayso, waxaana ay maamulka kooxdu isku raaceen in ay £60 milyan oo Gini ku iibiyaan daafacan midig ee Reece James.
Laacibakn oo heshiis cusub saxeexay horraantii xilli-ciyaareedka isla markaana loo magacaabay kabtanka kooxdiisa ayaa waxa ay Blues ka niyad-jabtay dhaawacyadiisa tirada badan.
Conor Gllagher ayaa isaguna diiddan inuu saxeexo heshiis cusub iyadoo qandaraaskiisuna ku egyahay sannadka 2025, waxaanay maamulka Blues go’aamiyeen inay iibiyaan.