Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waqti dambe u dagaallantay dhibic ay kasoo heshay Brenford oo ay ku booqatay garoonkeeda Gtech Community Stadium, taas oo ay dhibcaha ku wadaageen barbarro 2-2 ah.
Chelsea ayaa soo bandhigay ciyaar aad u hoosaysa oo keentay in jamaahiirtu ay ku heesaan magaca Jose Mourinho iyaga oo muujiyey sida ay uga niyad-jabsan yihiin Mauricio Pochettino oo kooxdiisu ay ku jirto xilli-ciyaareed aad u liita.
Blues ayaa gool uu u dhaliyey Nicolas Jackson la hormartay qaybta hore ee ciyaarta, laakiin waxay is-dhiibeen qaybtii labaad inkasta oo ay waqti dambe keeneen goolka barbarraha ee dhibicda u badbaadiyey.
Daqiiqaddii 35aad ayaa kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Malo Gusto waxa madax awood badan ku qabtay Jackson oo sidaas hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa oo sidoo kale iska lumisay fursado kale oo dahabi ahaa.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Brentford muujisay in garoonkeeda la joogo oo iyaga marti loo yahay, waxaanay weerarrro ku ekaysay goolka uu waardiyaha ka ahaa Petrovic oo inkasta oo uu kubbado badan badbaadiyey haddana uu xamilku ka batay.
Daqiiqaddii 50aad ee ciyaarta ayay Brentford keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Roerslev oo dhamaystiray kubbad uu marka hore goolka ku toogtay Reguilon oo dib usoo noqotay, waxaana goolkan daawanayey dersin ciyaartooyo Blues ah oo goolka hortiisa joogay.
Goolkii xilli-ciyaareeda oo la tartami doona midkii uu Alejandro Garnacho u dhaliyey Manchester United ayaa uu Wissa ka dhaliyey Chelsea, waxaanay ahayd kubbad qalaamo-rogod ah oo isaga oo sii jeeda uu dhaliyey.
Dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan tahay ayay Chelsea keentay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey difaaca reer France ee Axel Disasi oo ciyaarta ka dhigay 2-2.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay ku jirto kaalinta 11aad ee horyaalka Premier League, halka Brentford ay fadhido kaalinta 15aad.