Tartanku waxa uu soo laabanayaa caawa,waana mid ka weyn sidii hore laakin ma ka fiicnaan doona runtii?
Soddon iyo lix kooxood ayaa hadda ka qayb qaadan doona tartan cusub waana afar ka badan intii hore , iyadoo Real Madrid ay isku dayayso inay sii haysato koobkeeda.
Manchester City, Arsenal, Liverpool, Aston Villa iyo Celtic ayaa ah kuwa matalaaya Britain, iyadoo ciyaartan ay bilaabaneyso habeenimada caawa oo talaado ah.
Madaxii hore ee fulinta UEFA Gerhard Aigner ayaa mar meesha ka saaray fikradda Super League-ga Yurub oo uu ku tilmaamay “khayaali.
Sida agaasimihii hore ee AC Milan Umberto Gandini tilmaamay, “dhalashada Champions League ee 1993” waxay si wax ku ool ah uga jawaabtay UEFA isku daygii Silvio Berlusconi ee ahaa inuu abuuro tartan kala go’a oo loogu talagalay dadka caanka ah ee Yurub.
Sidoo kale wax iska dhacay ma ahayn in kaliya laba sano ka dib markii Berlusconi uu taageeray dalab kale oo lagu abuurayo Super League, UEFA waxay kordhisay tirada kooxaha iyo ciyaaraha Champions League, waxayna soo bandhigtay heerka labaad ee group-yada si ay u soo saaraan kulamo badan.
Yaa ku guuleysan doona Champions League?
Ku biirista Kylian Mbappe ee safka Real Madrid ayaa ka dhigaysa mid adag in la arko wax dhaafsiisan guushii 16-aad ee tartanka iyaga iyo guushii lixaad ee tababare Carlo Ancelotti.
Tirokoob afti la sameeyay ayaa muujinaya in Real Madrid ay difaacan karto tartankan.
Man City ayaa noqon doonta kooxda ugu dhaw laakiin Real waxa ay haysataa caado cajiib ah oo ah in ay qabato shaqadan khaaska ah xitaa marka ayna meelna ugu dhowayn waxa ugu fiican waxana ay si guul ah u soo mareen koorsadan iyo fogaanshiyaha marar badan.
Khubarads kubada cagta ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in hadii Real iyo Man City midkood u muuqan waayi inay ku guuleystan ay kooxda kale noqon doonto Bayern Munich oo Germany ka dhisan.
Adiga yee kula tahay oo sanadkan ku guuleysanaya?
Real Madrid in.a