Xiddiga reer Brazil ee Casemiro ayaa lagu eedeeyey in aanu dhaawac ahayn finalkii FA Cup ee ay kooxdiisa Manchester United 2-1 kaga adkaatay Manchester City bishii hore ee May, taas oo laga saaray liiska kooxda markii sida la sheegay uu tababarihiisa ku wargeliyey in aanu ciyaari karaynin.
Casemiro ayaa ku jiray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee maalin ka hor waqtiga ciyaarta, laakiin tababare Erik ten Hag ayaa ka saaray waqti dambe, iyadoo sababtana lagu sheegay inuu dhaawac fudud qabo.
Sofyan Amrabat walaalkii ayaase kashifay sababta keentay in Casemiro uu ciyaartan ka maqnaa, waxaana uu sheegay inuu taam ahaa oo aanu wax dhaawac ah qabin, balse uu ogaaday in la fadhiisinayo oo uu ciyaarta kusoo bilaabanayo xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat oo bandhig heersare ah ka sameeyey ciyaartaas.
Sofyan Amrabat oo lagu magacaabo Nordin oo hore arrintan usoo qaaday ayaa mar kale waraysi uu bixiyey kaga hadlay, waxaanu yidhi: “Casemiro dhaawac ma aanu ahayn finalkii FA Cup. Waxa uu ogaaday in aanu kusoo bilaabanayn, sidaas daraadeed waxa uu ku fikiray in aanu kursiga kaydka fadhiyin balse uu dusha sare ee garoonka ka daawado. Wuu caafimaad qabay.”