Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay, in ay ka tagayaan toban ciyaartoy kooxdeeda bishan June ee aynu ku jirno, kuwaas oo raacaya raadka tababare Jurgen Klopp oo hore uga baxay Anfield oo uu sagaal sannadood joogay.
Liverpool oo horyaalka kusoo xidhatay guul 2-0 ahayd oo ay Anfield kaga gaadhay Wolves, ayaa waxa lagu sii macasalaameeyey labada ciyaartoy ee Thiago Alcantara iyo Joel Matip oo qandaraasyadoodu dhamaadeen oo si xor ah uga tegay.
Thiago Alcantara oo shan daqiiqadood oo kali ah dheelay xilli-ciyaareedkii tegay oo dhan, kuwaas oo ahaa kulankii Arsenal ay 3-1 ku garaacday ee Emirates Stadium iyo Joel Matip oo bishii December jilibka kaga jabay kulan ay la dheeleen Sheffield United ayaa waxa ay hormood u noqdeen toban ciyaartoy oo ay kooxdu sheegtay inay ka tegayaan.
War-saxaafadeed ay goordhoweyd Liverpool soo saartay, ayaa lagu sheegay in tiro ciyaartooyo ah oo iskugu jira kuwa kooxda koowaad iyo da’yarta kulliyaddu ay ka tegayaan bishan, waxaana ugu horreeye Thiago Alcantara iyo Joel Matip oo ay wehelinayaan ciyaartoyda da’yarta ah ee Adam Lewis, Melkamu Frauendorf, Mateusz Musialowski, Nathan Giblin, Francis Gyimah, Luke Hewitson, Niall Osborne iyo Cody Pennington.
Liverpool ayaa sidoo kale xaqiijisay in ay heshiisyo cusub u bandhigtay goolhaye Adrian, Jacob Poytress iyo Reece Trueman.
“Qof kasta oo Liverpool ah waxa uu uga mahad-celinayaa Joel, Thiago, Adam, Melkamu, Mateusz, Nathan, Francis, Luke, Niall iyo Cody, wixii ay kooxda u qabteen muddadii ay jogoeen, waxaaanu u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.