Casemiro ayaa qirtay in aanu joogin meeshii ku habboonayd ee uu ku samayn lahaa isbarbar-dhig ku saabsan labada kooxood ee Manchester United iyo Liverpool oo ku tartamaya horyaalka Premier League.
Manchester United waxay ku guuleysatay afar koob oo kaliya tan iyo markii uu ka tegay Sir Alex Ferguson sannadkii 2013kii, waxaanay hadda halgan adag ugu jiraan sidii ay ugu loollami lahaayeen labada koob ee kaliya ee ay tartankooda ku jiraan ee Premier League oo ay aad uga dambeeyaan kooxaha afarta sare iyo FA Cup oo ay wareegga shanaad usoo gudbeen.
Ten Hag ayay kooxdiisu kaalinta siddeedaad kaga jirtaa horyaalka Premier League, waxaase ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysteen Carabao Cup iyagoo soo afjaray lix sannadood oo ay koob la’aan ahaayeen.
Casemiro oo la hadlayay telefishanka CNN ayaa la weydiiyey sida uu u arko kooxdiisa iyo naadiyada figta sare, waxaanu yidhi: “Waxa aanu doonaynaa in aanu tagno figta sare, waxa hubaal ah in ciyaartoyda kooxdayadu ay anigana iga caawinayaan inaan heerkaygii hore kusoo noqday. Farxad ayay ii tahay in aan u ciyaaro United oo ah koox weyn.
“Hadda kuma jirno meeshii ku habboonayd ee aanu isku barbar-dhigi lahayn kooxaha sida Manchester United iyo Liverpool, laakiin United mar walba waa kooxda ugu weyn England sababtuna waa taariikhda iyo koobabka ay haysato.”