Kooxda horyaalka Sacuudiga ee Al Nassr ayaa lagu waramayaa inay dardargelisay xiisaheeda xiddiga khadka dhexe ee Man United Casemiro ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.
32 jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago Old Trafford ka dib markii uu fashil noqday xilli ciyaareedkiisii labaad ee kooxda, Al Nassr ayaana diyaar u ah in United ay siiso lacag kaash ah oo ay u baahi qabto.
United oo ku jirta xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa abid ee Premier League ayaa ku tiirsanaan doonta lacagta ay ku iibiso ciyaartoydeeda si ay u soo iibsadaan ciyaartooy cusub.
Casemiro ayaa ka mid ah xiddigaha waa weyn ee ay kooxda iska iibineyso si la mid ah Christian Eriksen, Jadon Sancho iyo Mason Greenwood.
Kabtanka Brazil ayaa lagu waramayaa inuu lacag qaali ah ugu wareegayo Sacuudiga isagoo dib u la midoobaya Cristiano Ronaldo.
Sida ay qortay CaughtOffside, Al Nasrr ayaa durba wadahadalo la bilowday wakiilada Casemiro si ay ciyaaryahanka u soo xerogeliyaan xagaagan.
Casemiro ayaa isna diyaar u ah inuu ka tago Old Trafford haddii mushahar macquul ah loo soo bandhigo, isagoo Man United ugu soo biiray 70 milyan ginni labo xilli ciyaareed ka hor.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al Nassr ay miiska u soo saareyso Casemiro qandaraas seddex sannadood ah, waxayna u soo gudbinayaan Man United dalab hordhac ah oo gaaraya 34 milyan ginni, taasoo ka dhigeysa lacagtii ugu badneyd ee ay United ku iibiso xiddig khadka dhexe ah.