Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Jude Bellingham uu boqolkiiba 100 taam noqon doono marka ay la ciyaarayaan Bayern Munich lugta labaad.
Labada kooxood ayaa ku kulmay lugta hore ee wareega semi-finalka Champions League iyadoo ciyaartii ka dhacday Jarmalka ay ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah.
Taasi waxay dhacday ka dib markii xiddiga Ingariiska la bixiyay daqiiqadii 75aad inkastoo lagu bedelay Luka Modric.
Taageerayaasha Real Madrid ayay lama filaan ku noqotay markii la bixiyay xiddiga khadka dhexe, iyadoo haatan Ancelotti uu sharaxay sababtii ka danbeysay.
“Bellingham wuu daalay” ayuu yiri. “Waa uu awoodi waayay inuu sii ciyaaro. Waxaan kursiga keydka ku heystay ciyaartoy igu filan oo aad u fiican. Waxa uu ku soo laaban doonaa qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.
“Waxaan u maleynayaa in dhaawacii uu saameeyay laakiin maanta ma uusan aheyn mid soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa. Waa uu soo laaban doonaa taas waa hubaal, Arbacada waxa uu noqon doonaa mid boqolkiiba 100.”
Real Madrid ayaa hogaanka u qabatay ciyaartii Allainz Arena ka dib gool uu u dhaliyay Vinicius Jr, laakiin waxay dhumiyeen koontaroolka ciyaarta ka dib waqtigii nasashada markii Leroy Sane iyo Harry Kane ay ciyaarta dhanka kale u rogeen.
Kooxda Thomas Tuchel ayaase awoodi weysay inay difaacato hogaankeeda markii Vinicius Jr uu ku barbareeyay rigoore dhamaadkii ciyaarta.