Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay u wajihi doonto City kulanka lugta labaad ee Champions League ee Arbacada si la mid ah qaab ciyaareedkii ay kusoo bandhigeen lugtii hore Etihad Stadium.
Real Madrid ayaa kulanka soo galeysa iyada oo 3-2 ku adkaatay kulankii hore, taasoo ka dhigaysa inay haystaan faa’iido marka lagu ciyaarayo garoonkooda Santiago Bernabéu. Kooxda reer Spain ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu cadcad inay u gudbaan wareega xiga.
Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday inuusan wax badan ka beddeli doonin qorshaha iyo qaabka ay Madrid u ciyaartay lugtii hore.
“Wuxuu noqon doonaa kulan adag oo xiiso leh. Waxaan isku dayi doonaa inaan si fiican u diyaar garowno, anagoo ka faa’iideysanayna ciyaartoyda naga caawin kara guusha,” ayuu yiri tababaruhu.
“Waxaan isku dayi doonnaa inaan u ciyaarno si la mid ah lugtii hore. Fikradda waa sideedii, balse kulamada wareega bug-baxa waa kuwo adag, waana inaan 90 daqiiqo oo dhan si buuxda uga shaqeynaa natiijada.”
Real Madrid iyo Manchester City ayaa isku qaban doona kulan la filayo inuu noqdo mid adag, iyada oo labada kooxood ay dagaal ugu jiraan booska afar-dhamaadka Champions League.