Xiddiga reer England ee Bukayo Saka ayaa barbarrayn doona rikoodh dhif iyo naadir ah oo horyaalka Premier League ay ka sameeyeen Harry Kane iyo Dennis Bergkamp, marka ay kooxdiisa Arsenal usbuucan u tagto Sheffield United.
Arsenal ayaa waxa ay Isniinta marti u noqon doontaa Sheffield United iyadoo Bukayo Saka uu xasuusan yahay in ciyaartani ay laba faa’iido u leedahay isaga oo marka hore guul ay kooxdiisu gaadho ay usii xoojin doonto tartanka ay ugu jiraan horyaalka Premier League iyo arrinta labaad oo ah rikoodhkiisa shaqsiga ah.
Saka ayaa shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League goolal dhaliyey, isaga oo min laba gool is-raaciyey kulamadii Burnely iyo West Ham ay ku xasuuqeen 5-0 iyo 6-0.
22 jirkan ayaa haddii uu laba gool ku dhaliyo garoonka Bramall Lane ee Sheffield United waxa uu noqon doonaa ciyaartoygii saddexaad ee min laba gool dhaliya saddex ciyaarood oo isku xiga oo horyaalka Premier League ah oo ay kooxdiisu marti tahay.
Waxa hore sidaas u sameeyey halyeygii Arsenal ee Denis Bergkamp iyo weeraryahanka reer England ee Harry Kane intii uu joogay Tottenham Hotspur.