Bruno Guimaraes Oo Kashifay Ciyaaryahanka Ka Caawiyay Inuu La Qabsado Falsafadda Uu Ku Ciyaaro Mikel Arteta

Xiddiga khadka dhexe ee Arsenal, Bruno Guimaraes, ayaa sheegay inuu weli baranayo qaab-ciyaareedka adag ee tababare Mikel Arteta. Wuxuu bishii Agoosto kaga soo biiray Newcastle, wuxuuna durba la qaaday koobka Community Shield ka dib markii ay ka badiyeen Manchester City.

Isagoo la hadlayay Prime Video, laacibkan reer Brazil wuxuu sheegay in ciyaarta Arsenal ay ka duwan tahay kooxihii uu horay ugu soo ciyaaray. ‘Markii aan joogay Newcastle iyo Lyon, mar walba hal boos ayaad ku ciyaaraysay. Halkan boosaska aad ayaa la isugu beddelaa,’ ayuu yiri. ‘Mararka qaar waxaan is arkaa anigoo daafac ama daafaca midig ka ciyaaraya. Hadda waan fahmay in haddii Martin Odegaard meel yimaado, aan anigu meel kale aado.’

Guimaraes wuxuu xilli-ciyaareedkan Arsenal u ciyaaray 15 kulan, wuxuuna dhaliyay laba gool. Wuxuu sheegay in Declan Rice uu ka caawiyay inuu la qabsado kooxda markii uu yimid.

‘Way adag tahay in la sharraxo, sababtoo ah waqti badan ayay igu qaadatay inaan fahmo waxa uu Arteta rabo,’ ayuu yiri. ‘Markii aan imid, Declan Rice wuxuu igu yiri: Bruno, samir yeelo. Aniga lix bilood ayay igu qaadatay inaan si fiican u fahmo waxa uu doonayo. Ha is khasbin. Hadda afar bilood ayaan joogaa, waana fahmayaa.’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular