Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa dalbaday in isbeddel lagu sameeyo sharci kubadda cagta ah oo uu muran ka taagan yahay, kaas oo sabab u noqda in ciyaartooyo faraxsan la siiyo kaadh casaan ah oo ay garoonka ka baxaan.
Bruno Fernandes ayaa hormood u noqonaya olole lagaga dalbanayo sharci-sameeyeyaasha ciyaaraha in ay meesha ka saaraan qodobka sharci ee dhigaya in ciyaartoyda kaadh la siiyo haddii ay saaraan garankooda marka ay gool dhaliyaan ee ay dabbaal-degayaan.
Sharcigan oo sababay in Manchester United casaan lagaga saaro geesidoodii guusha ku hoggaamiyey ciyaartii Liverpool ee FA Cup ee Amad Diallo oo kaadhkiisii labaad ee digniinta ahaa la siiyey markii uu shaadhka tuuray isaga oo u dabbaal-degay goolka guusha ee uu u dhaliyey Man United dhamaadka ciyaartii Liverpool ee Axaddii.
Qodobka sharci ee arrintan jidaynaya ayaa u qoran: “Ciyaartoyda waxa waajib ah in ciyaartoyda kaadh lagu siiyo haddii ay saaraan shaadhkooda amaba shaadhka ku qariyaan wajigooda, haddii ay dhaliyaan goola amaba xataa goolkaasi la diiso.”
Bruno Fernandes oo daba socda kaadhka la siiyey Amad Diallo ayaa yidhi: “Amad waa uu u u qalmayey goolkaas, waxa uu u ahaa abaal-marin sababtoo waxyaabo fiican ayuu sameeyey habeenkaas, laakiin nasiib-darro casaan ayaa lagu saaray.
“Dabbaal-deggu waa qayb ka mid ah ciyaarta,marka aad carruur tahayna xiiso ayay samaynaysaa. Hadda waanu faraxsanahay, laakiin waxay ila tahay in loo baahan yahay in la beddelo qodobkan sharci ee dabbaal-degga, lana ixtiraamo kooxaha kaasoo horjeeda.”