Bruno Fernandes Oo Beeniyay In Ciyaartoyda Xulka Portugal Ay Ixtiraam Darro U Muujiyeen Cristiano Ronaldo

Kabtanka kooxda Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa ku adkaystay in ciyaartoyda xulka Portugal aysan ixtiraam darro u muujin Cristiano Ronaldo. Fernandes ayaa arrintan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulanka Champions League ee Arbacada ay la ciyaarayaan kooxda Sporting CP.

Fernandes iyo Ronaldo ayaa labaduba u soo ciyaaray labada kooxood, waxaana laacibka United la weydiiyay muranka ka dhashay xulka qaranka. “Malaha Cristiano sidaas ayuu dareemay, ma ogi. Mar walba waxaan isku daynay inaan ixtiraamno intii karaankeenna ah, sababtoo ah wuxuu tusaale u yahay jiilasha oo dhan,” ayuu yiri Fernandes.

Wuxuu intaas ku daray: ‘Laakiin haddii uu dareemay inaan la ixtiraamin, anigu kama hor imaan karo. Anigu kabtan ma ihi oo Bernardo Silva ayaa kabtan ah, laakiin ciyaaryahan ahaan waxa keliya ee aan dhihi karo waa inaan mar walba ixtiraamnay Ronaldo, qof ahaan iyo ciyaaryahan ahaanba.’

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular