Baaritaan uu booliska Brazil ku sameeyay eedeymaha xadgudubka ee uu geystay garabka Manchester United Antony ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin, laakiin dacwad oogayaasha ayaa wali dib u eegis sameenaya.
24 jirkaan, oo diiday inuu sameeyay qalad, ayaa weli ku jira mowduuca baaritaanka booliiska Greater Manchester.
Eedeymaha ku saabsan xadgudubka waxaa Antony u jeediyay seddex dumar ah bishii Sebtembar ee sanadkii hore, inkastoo aan lagu xirin ama lagu soo oogin Brazil iyo UK midkoodna wuu diiday eedeymaha.
Qoraal ay soo saareen qareenada ciyaaryahanka ayaa lagu yiri.
“Difaacista ciyaartoyga Antony Matheus dos Santos, iyadoo la tixraacayo warka ay daabacday saxafadu, waxay halkan ku xaqiijinaysaa in baadhitaanka booliisku uu ka furmay xarunta difaaca haweenka ee shanaad ee Sao Paulo, ee Booliska Madaniga ah, wuxuu ahaa mid la xidhay iyada oo aanay jirin wax dacwad ah oo boolisku ku soo oogay.
“Difaacista ayaa had iyo jeer aaminsanaa in baaritaannada, ee ku socda sirta, ay caddaynayaan in Antony uusan wax dambi ah lahayn.”
Saraakiisha Booliska ee Brazil ayaa sheegay in baaritaankii booliisku uu dhammaaday iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin, haddana kiiska aan la joojinin, sababtoo ah xafiiska dacwad oogaha ayaa wali dib u eegis ku haya, wuxuuna go’aansan karaa inuu sameeyo baaritaan kale oo madax-bannaan.
Antony ayaa noqday saxiixii labaad ee ugu qaalisanaa Manchester United markii uu 82 milyan oo ginni kaga soo biiray Ajax bishii September 2022kii.
Intii lagu jiray fasaxa caalamiga ah ee Sebtembar 2023, warbaahinta Brazil ayaa daabacday xadgudub uu ku sameeyay lammaanihiisi hore in xiddiga uu beeniyay.
Eedeymaha weerarka dheeraadka ah ayaa daba socday markii Rayssa de Freitas iyo Ingrid Lana uu mid kastaa sheegtay Antony in uu ku weeraray 2022kii, taas oo uu sidoo kale beeniyay.
Booliska Greater Manchester ayaa ku lug yeeshay mid ka mid ah eedeymaha ayaa la sheegay in uu ka dhacay hotel ka yaala Manchester.
United ayaa ka jawaabtay iyada oo sheegtay in ay eedaymaha u qaateen “si dhab ah” oo ay Antony 10kii September siiyeen fasax buuxa si uu wax uga qabto eedaymaha.
Waxa uu dib u bilaabay tababarka laga 29kii Sebtembar isagoo si mutadawac ah ula hadlay Booliska Greater Manchester wuxuuna ku soo laabtay shaqada horraantii October.
Si kastaba ha ahaatee, maamulaha kooxdiisa Erik ten Hag ayaa bishii Janaayo sheegay in arrintu ay saameyn ku yeelatay qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.