Real Madrid ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa 29 jirka reer Portugal ee kooxda Manchester City ee Bernardo Silva xagaagan. (Daily Star)
Barcelona ayaa qarka u saaran inay la xifaaltamaan Real, iyadoo madaxweynaha kooxda Joan Laporta uu bartilmaameedka sare ka dhigay Silva. (Sport)
Atletico Madrid ayaa qandaraaska u cusbooneysiin doonta weeraryahanka reer France Antoine Griezmann, oo 33 jir ah, isagoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 2026. (Rudy Galetti).
Arsenal, Juventus iyo Atletico Madrid ayaa ku loolamaya saxiixa weeraryahanka Mexico Santiago Gimenez, oo 23 jir ah, kaasoo diyaar u ah inuu ka tago kooxda reer Holland ee Feyenoord. (Record)
Barcelona ayaa si weyn u doonaysa inay dib u soo celiso ciyaaryahankii hore ee akadeemiga Dani Olmo, oo 25 jir ah oo ka tirsan kooxda RB Leipzig. Weeraryahanka Spain ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 60m euro (Mundo Deportivo)
Borussia Dortmund ayaa ku jirta “wadahadallo firfircoon” si ay u cusbooneysiiso qandaraaska daafaca dhexe ee Jarmalka Mats Hummels, kaasoo 36 jirsan doona bisha December. (Fabrizio Romano)
Kooxda Turkish Super Lig ee Galatasaray ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool iyo xulka Holland ee Ryan Gravenberch oo 21 jir ah xagaaga. (Fotomac)
Manchester United iyo Arsenal ayaa ku loolamaya AC Milan saxiixa 22 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Bologna ee Joshua Zirkzee. (Gazzetta)
Daafaca kooxda Real Madrid Nacho Fernandez ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda xagaagan isaga oo 34 jirkan isha ku haya in uu u dhaqaaqo Major League Soccer. (Marca)
Manchester United, Juventus iyo Inter Milan ayaa sidoo kale ah meelaha laga yaabo inuu ku biiro kabtanka Real Madrid. (Fichajes)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Portugal Fabio Carvalho ayaa qarka u saaran inuu sii joogo oo uu u dagaalamo booskiisa Liverpool xilli ciyaareedka soo socda, iyadoo uu hoos imaanayo tababaraha cusub ee kooxda, inkastoo ay xiiseyneyso Hull City oo 21 sanno jirkaan uu haatan amaah ku joogo. (Football Insider)
PSG ayaa qarka u saaran inay ka tanaasusho xiisaha ay u qabto saxiixa 26 jirka qadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong iyadoo ay jirto walaac dhaqaale (Sport)