Baska kooxda Real Madrid ayaa shil galay xilli ay ku sii jeedeen garoonka RB Leipzig.
Kooxda La Liga ka dhisan ayaa u safreysa Germany si ay u ciyaarto lugta hore ee wareega 16ka Champions League habeenka Talaadada.
Kooxda Real Madrid ayaa saaka ka degtay magaalada Erfurt ee dalka Germany iyaga markaas ka dib bilaabay inay safar 100 mayl ah u galaan Leipzig.
Kooxda ayay qasab ku aheyd inuu ka degto Erfurt bedelkii ay ka degi lahaayeen Leipzig sababtoo ah shaqo joojin iyo gadood ayaa ka jira garoonka diyaaradaha ee Leipzig.
Si kastaba ha ahaatee wargeyska Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray in baska ay isku dhaceen gaari Toyota cadaan ah.
Darawalka Gaariga ayaa la sheegay in uu ilduufay baska xili uu badalanayay wadada kadibna uu jabiyay muraayadii banaanka ee bas
Waxaa la sheegay in qasaaraha gaaray gaariga Tayota ah inuu gaarayo 2,560 ginni.
Dhibaato weyn ma gaarin baska Real Madrid, laakiin shilkaan wuxuu sababay in safarkooda uu wax yar hakad galo, markii la xaqiijiyay in qof walba uu fiican yahay waxay sii wateen safarkooda.
Ciyaartoyda Real Madrid oo ay ku jiraan Vinicius Jr iyo Federico Valverde ayaa baska saarnaa si la mid ah shaqaalaha tababarka.