Kooxda Barcelona ayaa lagu wadaa inay bixiso lacag dhan £10 milyan oo ay siiso kooxda horyaalka Championship-ka ee Leeds United haddii ay ku guuleystaan tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.
Lacagtan ayaa qeyb ka ahayd heshiiskii uu Raphinha kaga soo dhaqaaqay Leeds uguna wareegay Barcelona sannadkii 2022.
Qodobka heshiiska ayaa sheegaya in haddii Raphinha uu kaalin weyn ka qaato guusha Champions League, kooxda reer Catalonia ay bixin doonto lacagtaas.
Raphinha ayaa Barcelona ugu biiray qiime lagu sheegay €58 milyan. Inkastoo uu markii hore ku dhibtooday inuu si joogto ah uga mid noqdo safka koowaad, haddana xilli ciyaareedkan wuxuu u rogay sheekada dhinac kale isagoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda.
Haatan, xiddiga reer Brazil wuxuu u muuqdaa musharrax weyn oo ku guuleysan kara Ballon d’Or 2025.
Barcelona-na waxay si dhab ah ugu dhowdahay hanashada Champions League, kaddib markii ay 4-0 ku garaaceen Borussia Dortmund lugtii hore ee wareega siddeed dhammaadka.
Sida ay sheegtay warbixin uu daabacay TEAMtalk, mid ka mid ah qodobbada ku jira heshiiska Raphinha ayaa si toos ah ula xiriira tartanka Champions League.
Qodobkaas ayaa dhigaya in haddii Barcelona ku guuleysato tartanka, ay Leeds United ku laaban doonto lacag dhan £10 milyan (€12.5 milyan).
Raphinha ayaa xilli ciyaareedkan ka mid ah ciyaartoyda ugu bandhigga fiican kooxda Barcelona, wuxuuna Champions League ka dhaliyay 12 gool iyo 7 caawin.
Dhammaan tartamada, Raphinha wuxuu dhaliyay 28 gool isagoo bixiyay 22 caawin 45 kulan oo uu u saftay kooxda.