Arin muran weyn dhalisay ayaa dhacday kulankii xalay ee El Clasico ee u dhaxeeyay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ka dib markii Barca laga diiday gool u muuqatay in kubada ay dhaaftay xariiqda goosha.
Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaartii Santiago Bernabeu ka dib gool uu u dhaliyay Andreas Christensen ka hor inta uusan Vinicius Jr rigoore ku barbareynin.
Laakiin Blaugrana ayaa mooday inay hogaanka soo ceshteen daqiiqadii 27aad.
Kubad uu si qatar ah u taabtay Lamine Yamal ayaa waxaa isku dayay inuu badbaadiyo goolhaye Andriy Lunin.
Wuu ka daahay inuu ka falceliyo kubada taasoo keentay inay kubada u muuqato mid dhaaftay xariiqda goosha, waliba dhowr xagal oo kaamirada ah oo la eegay ayaa muujineysa inay kubada gudaha gashay ka hor inta uusan goolhayaha soo bixin.
Si kastaba, mudaharaadkii Barcelona dhegaha ayaa la fureystay iyadoo VAR ay waqti dheer dib u eegis ku sameyneysay haddii ay kubada dhaaftay xariiqda goosha.
Waxaa cajiib ah, in horyaalka LaLiga uu yahay horyaalka kaliya ee weyn aan isticmaalin teknooloojiyada xariiqda goosha, sidaasi darteed ma jirin si rasmi ah loo xaqiijin karay kubadaas.
Horyaalka Premier League, teknooloojiyada ayaa fariin ugu dirtay garsooraha saacadisa iyadoo u tilmaameysa haddii kubada ay dhaaftay xariiqda goosha iyo haddii kale.
Sidaasi oo ay tahay horyaalka Spain lagama isticmaalo teknooloojiyadaas, iyadoo warbaahinta El Larguero ay sheegtay in madaxweynaha LaLiga Javier Tebas inuusan dooneynin inuu bixiyo lacagta teknooloojiyada oo gaareysa 2.6 milyan ginni.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Barcelona laga diido gool sax ah sababo la xiriira teknooloojiyada oo ka maqan horyaalka iyadoo Luis Suarez laga diiday gool sax ahaa kulankii Real Betis ee 2017kii.
Laaciblona hhhhh