Maxkamad ku taalla magaalada Nanterre oo ku taalla duleedka caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris ayaa xukuntay in la iibin karo abaal-marintii Ballon d’Or ee sanadkii 1986kii uu ku guuleystay halyeygii reer Argentina ee Digo Armando Maradona, taas oo hore ay dood uga taagnayd.
Qareennada qoyskii Maradona ayaa rafcaan ka qaadan doona go’aanka maxkamadda oo sheegaya in maalinta ay taariikhdu tahay June 6 lasoo dhigi karo suuqa oo la xaraashi karayo abaal-marintan, sida ay maanta oo Khamiis ah sheegeen qoysku.
Sannadkii 2016 ayuu abaal-marintan iibsaday Abdelhamid B., iyadoo waqtigaas uu ku helay qaab xaraash ah isaga oo noolaa Diego Maradona oo waqtigaas caafimaadkiisa la xarbinayey waxaana uu kaliya ku helay 1.2 Euro [Hal iyo badh Euro], laakiin waxa uu hadda qiimaheedu dhaafi doonaa 10 milyan oo Euro.
Qoyska Maradona ayaa ku doodaya in abaal-marintan ay gacantooda kaga baxday si aan habboonayn oo ay tahay in dib loogu soo celiyo dhaxalka uu uga tegay halyeygii reer Argentina, hase yeeshee maxkamadda ayaa waxa ay xukuntay in Abdelhamid B. uu ku helay sifo sharciga waafaqsan oo uu hadda yahay mulkiilaha go’aanka ka gaadhaya xaraashkeeda.
Si kastaba ha ahaatee, France Football oo wixii ka horreeyey 1995kii aan abaal-marinta Ballon d’Or siin jirin ciyaartoyda aan u dhalanin Yurub, ayaa waxa waqti dambe uu abaal-marinnadooda siiyey Maradona iyo Pele, iyadoo halyeyga Brazil ee dhintay ee Pele la siiyey toddoba Ballon d’Or.