Macalinka Sporting CP, Joao Pereira ayaa u magacaabay labada ciyaaryahan ee Arsenal ee Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli inay yihiin kuwa halis ku ah kooxdiisa marka ay labada kooxood caawa ku kulmaan tartanka UEFA Champions League.
Kooxaha Arsenal iyo Sporting CP ayaa isaga hor iman doona garoonka Estadio Jose Alvalade ee dalka Portugal kulan ka tirsan tartanka UEFA Champions League, iyadoo Gunners ay dooneyso in ay kasoo kabsato guuldarradii Inter Milan.
Sporting ayaa 6-0 ku garaacday kooxda Amarante FC kulankisii ugu horeeyay ee isbuucaan uu higaamiyay tababarahooda cusub.
Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka Champions League caawa, tababare Pereira ayaa yiri “Qof walba waa ogyahay in Arsenal ay leedahay 7 dhibcood, kaliya hal gool ayaa looga dhaliyay rigoore, aad ayey u xoogan yihiin dhanka daafaca, waxaana hubaal ah inay isku dayi doonaan inay dhibaato abuuraan, weerarka waa halka ay ka xoogan yihiin.
“Aad ayaan uga walaacsanahay qaab dhismeedkooda, Sporting sidoo kale waxay leedahay ciyaartoy waa weyn, kuwaas oo ku jira olole cajiib ah, laakiin ma iska indho tiri karno Saka iyo Martanelli.
Arsenal waxa ay haysataa ciyaaryahano waa wayn, waxa ay ku xoogan yihiin fursad abuurka, Bukayo Saka iyo Martinelli waa kuwa ugu halista badan “ayuu yiri tababaraha Sporting CP.
Macalinka Sporting CP, Joao Pereira ayaa hadaladiisa oo dhan waxay u muuqdaan ciyaar maskaxeed uu doonayo inuu kaga badiyo kooxda Arsen.