Xiriirka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa xaqiijiyay kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto kooxda Sporting CP inuu dhaxdhaadin doono garsoore Szymon Marciniak, halka ay caawin doonaan Adam Kupsik iyo Radoslaw Siejka.
Pawel Raczkowski ayaa noqon doona garsooraha afaraad ee kulanka, Tomasz Kwiatkowski ayaa loo magcaabay qeybta VAR, iyadoo sarkaal Faransiis ah oo lagu magcaabo Jerome Brisard uu caawin doono.
Marciniak waa garsoore khibrad badan leh, wuxuu qabtay finalka Koobka Adduunka 2022 iyo finalkii Champions League ee 2023 waxaana isagoo 181jir ah uu doortay xirfada garsoorka.
Si kastaba ha ahaatee, UEFA ayaa ku sameysay baaritaan la xiriira inuu la shaqeeyo xisbiga Polish-ka midigta fog.
Ninkaan ayaa kasoo muuqday shir uu soo qabanqaabiyay siyaasiga garabka midig fog ee Slawomir Mentzen, kasoo looga soo horjeeday Cunsuriyada, Yuhuuda, dadka isku jinsiga ah iyo Midowga Yurub.
Ka dib markii UEFA ay baaritaan ku sameysay Marciniak, garsooraha ayaa soo saaray qoraal raali gelin ah, isagoo yiri: “Waxaan rabaa inaan raali gelin ka bixiyo wixii dhacay.
Kadib markii aan ogaaday in si weyn la ii qalday waxaa gabi ahaan joojiyay xiriirkii aan la lahaa xisbiga midigta fog” ayuu yiri garsoorahaan.
Ugu danbeyn garsoore Marciniak ayaa la cafiyay, iyadoo uu kasoo muuqan doono kulanka Champions League ee u dhexeeya Sporting CP iyo Arsenal caawa.