Xiddiga reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubemayng ayaa ka hadlay duruuftii sababtay inuu ka tago Barcelona oo uu ku qaatay lix bilood oo uu bandhig fiican ka sameeyey garoomada, isla markaana ku illoobay waqtigi wajiyo kala duwan lahaa oo uu kusooq aatay Arsenal.
Pierre-Emerick Aubameyang oo si degdeg ahaa u saldhigay Camp Nou markii uu ka tegay Arsenal oo ay isku dhaceen tababare Mikel Arteta, ayaa waxa uu si diirran loogu soo dhoweeyey Spain bishii January ee sannadkii 2022.
Afar ciyaarood oo kaliya ayay ku qaadatay in uu saddexlay u dhaliyo Barcelona, sidoo kalena waxa uu laba gool ka dhaliyey Real Madrid kulankii ay Barcelona ku xasuuqday 4-0 qaybta labaad ee xilli-ciyaareedkii 2021-22.
32 jirkan ayaa isugeyn waxa uu Barcelona u saftay 17 ciyaarood oo horyaalka LaLiga ah oo uu u dhaliyey 11 gool, sidoo kalena UEFA Europa League ayaa uu laba gool u dhaliyey, iyagoo wareegga siddeedda ay ku reebtay kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt.
Xagaagii 2022 ayuu Pierre-Emerick Aubameyang ka tegay Barcelona waxaanu u wareegay Chelsea oo si rasmi ah u iibsatay, waxaana uu usii dhaafay horyaalka Faransiiska markii ay mar kale ku adkaatay nolosha London.
Si kastaba ha ahaatee, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la weydiiyey sababtii uu uga tegay Barcelona, waxaana uu xaqiijiyey inay salka ku haysay arrintii adkayd ee dhinaca dhaqaalaha ee ku habsatay kooxda reer Spain, waxaanu yidhi: “Sababtii aan uga tegay Barca waxay ahayd dhibaatadii dhaqaale-xumo ee kooxda haleeshay. Waxa aan ka mid ahaa ciyaartoydii tirada yaraa ee ay kooxdu iibin karaysay.
“Haddii aanay arrintaasi jiri lahayn, sannado badan ayaan sii joogi lahaa Barca.”