Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa uu qiimahoodu cirka isku shareeray, waxaanay qarka u saaran yihiin inay gaadhaan £1 bilyan oo Gini, sida ay sheegeen khubaro daraasad ku samaysay kooxaha kubadda cagta Yurub.
Mikel Arteta oo ay kooxdiisu hoggaanka u hayso horyaalka Premier League, ayaa waxa ay qiime ahaan isku dheggan yihiin naadiga ay horyaalka ku xafiiltamayaan ee Manchester City oo ay ku siqayaan inay ka garbiyaan.
Arsenal ayaa waxa ay hadda ku ducaysanayaa in Manchester City ay hal ciyaar ah kufto afarta kulan ee u hadhsan, halka iyagana saddex ciyaarood oo u hadhsan laga doonayo inay dhamaantood guuleystaan.
Shabakadda qiimaynta xogta ciyaartoyda ee dhinaca suuqa ee Transfermarkt ayaa qiimayn ay samaysay, waxa ay ku sheegtay, in qiimaha ciyaartoyda Arsenal uu yahay £960 milyan oo Gini, waxaana si gaar ah uga dhax-muuqda Bukayo Saka oo ah ciyaartoyga ugu qiimaha badan safka Gunners oo qiimihiisu yahay £111 milyan oo Gini.
Saka oo Arsenal ka tirsanaa tan iyo markii ay da’diisu ahayd siddeed jir, ayaa waxa qiimihiisu uu sare ugu sii kacayaa bandhigga uu ka samaynayo garoomada.
Martin Odegaard oo ah kabtanka Arsenal oo sannadkii 2021 ay Gunners £30 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Real Madrid ayaa isagana qiimihiisu uu baarka ka xidhay £81 milyan oo Gini, waxaana ay warbixintu sheegtay in haddii ay Arsenal ku guuleysato horyaalka in ay sare usii kici doonto qiimaha ciyaartoydeedu.
Saddexda ciyaarood ee u hadhsan ayey Arsenal la ciyaari doontaa Bournemouth, Manchester United iyo Everton, halka Manchester City oo ay ku loollamayaan horyaalku ay la dheeli doonto Wolves, Fulham, Tottenham iyo West Ham.