Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la dheeli doontaa usbuucii 36aad oo ay koox walba kusii dhowaan doonto inay xaqiijisato booska ay horyaalka kaga dhamaysanayso, iyadoo naadiyada qaarkood si dhab ah loo go’aamin doono xilli-ciyaareedkooda.
Jurgen Klopp oo ay saddex ciyaarood ka hadhsan yihiin waqtiga uu macasalaamaynayo Liverpool ayaa waxa uu waajihi doonaa Tottenham oo garoonka Anfield ay ku qaabbili doonaan maalinta Axadda, waxaana khabiirka BBC Sports uu saadaaliyey in Jurgen Klopp uu murugo kale la kumi doono.
Chris Sutton oo saadaaliyey kulamada usbuucan, ayaa waxa uu sheegay in Liverpool oo garoonkeeda joogta lagu garaaci doonto 3-2 oo ay Tottenham saddex dhibcood kasoo qaadan doonto, laakiin kaldiood guul-darrada uguma aanu bushaaraynin, waxaase sidoo kale heli doonta natiijo aanay ku farxi doonin oo ah barbarro ay kasoo heli doonaan Crystal Palace.
Arsenal ayaa Sabtida heli doonta fursad ay afar dhibcood hoggaanka ugu qaban doonto marka ay garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweyso Bournemouth, balse Manchester City ayaa fiidka ugu jawaabi doonta guul oo hal dhibic kusoo koobi doonta hoggaanka Arsenal marka ay garoonka Etihad Stadium kusoo dhoweyso kooxda qaab-ciyaareedku ka lumay ee Wolves.
Saadaasha khabiirka BBC Sports ee Chris Sutton ee usbuuca 36aad ee Premier League
Jimce
Luton 1-2 Everton
Sabti
Arsenal 3-1 Bournemouth
Brentford 2-2 Fulham
Burnley 3-3 Newcastle
Sheffield United 0-2 Nottingham Forest
Manchester City 3-0 Wolves
Axadda
Brighton 1-3 Aston Villa
Chelsea 2-1 West Ham
Liverpool 2-3 Tottenham
Isniin
Crystal Palace 1-1 Manchester United