Xidigii hore ee Arsenal William Gallas ayaa ku booriyay kooxdiisii hore inay dib u eegaan ceyrsashada ay ugu jiraan Victor Osimhen xagaagan sababo la xiriirta khatarta ah inuu xiriir xun la yeesho Mikel Arteta.
Gunners ayaa doonaysa in ay hesho gooldhaliye tayo sare leh marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan, iyada oo la sahaminayo dhawr dookh.
Arsenal ayaa la filayay in ay xoojiso kooxdeeda intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bishii Janaayo ka dib markii la sheegay in gooldhaliye la’aan ay ka hor istaagi karto inay kor u qaadaan horyaalka Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka sare ee Emirates ayaa ku dhegay qorshahooda, waxayna doorteen inaysan sameynin saxiixyo cusub. Taa bedelkeeda, waxay kalsooni siiyeen Kai Havertz, Leandro Trossard, Eddie Nketiah iyo Gabriel Jesus si ay u hogaamiyaan safka hore inta ka harsan xilli ciyaareedka.
Xiddiga Napoli Osimhen ayaa ka mid ah bartilmaameedyada ugu sarreeya ee buuxin kara booskaas, iyadoo Chelsea iyo Paris Saint-Germain ay sidoo kale isha ku hayaan xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria.
Si kastaba ha ahaatee, Gallas kuma qanacsana in 25-sano jirku yahay xiddiga ka maqan kooxda waqooyiga London isagoo ka cabsi qaba in xiddigii hore ee Lille ay isku dhacaan Arteta.
Gallas ayaa u sheegay Lord Ping: “Waxaan filayaa in Arsenal ay u baahan tahay hal weeraryahan oo ka duwan Gabriel Jesus. Hal weeraryahan oo jir ahaan ka wanaagsan ayaa kooxda ka caawin kara inay ciyaaraan qaab ciyaareed ka duwan kuwii hore. Osimhen, (Ivan) Toney mise (Dominic) Solanke? Waa su’aal wanaagsan!
“Ma ahan kaliya tayada ciyaartoyda laakiin waa hadii ciyaaryahanka uu xiriir wanaagsan la yeelan karo tababaraha. Haddii aad leedahay dabeecad adag iyo shakhsiyad adag, taasi waxaa laga yaabaa inaanay ku habboonayn waxa tababaruhu rabo.
“Kuma qanacsani Victor Osimhen. Waxa uu leeyahay dabeecad adag laakiin ma hubo in uu xiriir wanaagsan la yeelan doono Arteta. Haddii aan ahaan lahaa Arteta, waxaan u la soo saxiixan lahaa Dominic Solanke, kaas oo sidoo kale ka qiimo jaban Osimhen iyo Toney.”