Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la wareegtay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii ay guul 2-1 ah ka gaadhay Brentford oo marti ugu ahadyd garoonka Emirates Stadium, halkaas oo ay si dhib badan ku xoogsadeen saddexda dhibcood.
Laba gool oo ay labadii qaybood ee ciyaarta kala dhaliyeen Declan Rice iyo Kai Havertz ayaa Arsenal siiyey guul ay u qalmayeen, iyaga oo asturay qalad xun oo uu sameeyey goolhaye Aaron Ramsdale oo sabab u ahaa goolka Brentford.
Arsenal ayaa waxa ay hadda hoggaanka ku qabatay hal dhibic oo ay dhaaftay Liverpool oo labaad u dhacday, halka Manchester City ay saddexaad u dhacday, iyadoo Axadda la sugayo isku-dhaca weyn ee Liverpool iyo Manchester City oo haddii ay midkood badiso ay la wareegi doonto hoggaanka, haddii ay barbarro galaanna waxa horyaalka si rasmi ah hoggaankiisa ugu negaan doonta Arsenal.
Arsenal oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa bilowgiiba weerarro aan joogsi lahayn ku ekaysay goolka Brentford oo iyaguna si adag isku difaacay.
Daqiiqaddii 19aad ayaa kubbad uu Ben White ka keenay dhinaca midig waxa shabaqa ku hubsaday xiddiga khadka dhexe ee Delcan Rice oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa.
Bukayo Saka iyo Kai Havertz ayaa dhawr fursadood laga badbaadiyey, sidoo kalena Leandro Trossard iyo Martin Odegaard ayaa tabayey inuu ka maqan yahay laacibkii difaaca ka jeedinayey ee Martinelli oo dhaawac ku maqnaa.
Goolhaye Aaron Ramsdale ayaa sameeyey qalad xun daqiiqaddii ugu dambaysay waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore, waxaana kubbad loo dhiibay oo baas ahayd uu la sugay weerarka Brentford, iyadoo uu isku dayey inuu laado iyadoo uu tallaabooyin usoo jiro Yoane Wissa, waxaana kubaddu ay ku dhacday Wissa kaddibna waxay dib ugu noqotay shabaqa Arsenal, iyadoo ciyaartuna noqotay 1-1.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Arsenal halkeeda kasii wadatay weerarka oo inta badan ka imanayey garabka midig ee uu ka ciyaarayay Bukayo Saka iyo khadka dhexe oo ay kubadda ka riixayeen Odegaard iyo Rice.
Arsenal ayaa uu wadnuhu istaagay dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka dhiman tahay, markaas oo ciyaartoyda Brentford ay ku doodeen in kaadh la siiyo Kai Havertz oo is-tuuray isaga oo ku jira xerada ganaaxa, laakiin garsooraha ayaa la saayiray oo ka daayey maadaama uu laacibka reer Germany haystay kaadh hore.
Kubbad koorne ahayd oo uu Havertz ku qabtay madax awood badan ayaa si dhib badan gacanta ugu gashay goolhaye Flekken, oo sidaas ku badbaadiyey.
Dhamaadka ciyaarta oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan tahay, ayaa kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Ben White, waxaana kor u booday Kai Havertz oo ku qabtay madax awood badan, kuna hubsaday shabaqa Brentford.
Goolkan ayaa noqday midka saddexda dhibcood u go’aamiyey Arsenal oo la hoyatay libin sabab u noqotay inay hoggaanka horyaalka ku qabtaan 64 dhibcood, halka Liverpool iyo Manchester City oo Axadda wada ciyaaraya ay kala haystaan 63 dhibcood iyo 62 dhibcood.