Arsenal ayaa qaban doona dabaaldeg seddex saacadood soconaya oo ay bas ku soo wareejin doonaan koobka horyaalka haddii ay ku guuleystaan Premier League.
Gunners ayaa hal dhibic hogaanka uga heysa Man City oo kulan uu u harsan yahay iyadoo tartanka horyaalka la isla gaarayo ilaa kulanka ugu danbeeya.
Arsenal ayaa durba dejisay qorshahooda dabaaldega haddii ay ku guuleystaan horyaalkoodii ugu horeysay tan iyo 2004tii, madaama wadooyinka la xirayo iyo boliiska ay u baahan yihiin diyaargarow iyo wargelin waqti dheer ah.
Kulanka ugu danbeeya Arsenal ee horyaalka waxay Emirates Stadium kula ciyaareysa aEverton 19ka bishaan May.
Haddii ay maalintaas ku dhameystaan kaalinta 1aad ee horyaalka, maalinta Isniinta ee ku xigta ee 20ka bisha May waxay shanta galabnimo ka bilaabi doonaan Emirates dabaaldegooda baska dusha sarre ka furan, iyagoo ku soo wareegi doono qeybo loo asteeyay oo Waqooyiga London ah ka hor inta aysan ku soo laabanin Emirates.
Ciyaartoyda ayaa ka mid ah ka soo muuqan doona masxrada 7da fiidnimo, iyadoo la filayo in dabaaldega la soo gabagabeeyo 8da fiidnimo waqtiga Ingariiska,.
Wadooyinka ay dabaaldega ku mari doonto Arsenal waxaa la xiri doonaa laga bilaabo 4ta galabnimo.