Arsenal ayaa lagu waramayaa inay seegtay fursad ayxiddig tayo leh kula wareegi laheyd lacag aad u jaban suuqii kala iibsiga ee bishii Janaayo sababtoo ah agaasimaha isboortiga Edu ayaa aaminsanaa in xiddiga diirada u saarnaa Marcos Leanardo in la heli doono suuqa kala iibsiga xagaaga.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa wacdarro ka dhigaya Benfica oo uu ku biiray bishii Janaayo, halka Gunners haatan lagu qasbayo inay xiddig isaga ka qaalisan raadsato dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Mikel Arteta ayaa bishii Janaayo aan la soo wareegin wax ciyaaryahan ah iyadoo taageerayaasha ay doonayeen inay kooxda keensato weeraryahan cusub madaama Eddie Nketiah iyo Gabriel Jesus ay ku dhibtoonayaan inay goolal dhaliyaan.
Edu ayaa u calaamadeystay weeraryahankii hor eee Santos Marcos Leonardo inuu noqdo weeraryahankooda cusub, laakiin waxa uu ka caga jiiday inuu bixiyo lacag la mid ah lacagtii ay Benfica ku dalbatay oo gaareysay 15.8 milyan ginni.
Si kastaba, markii ay kooxda reer Portugal u dhaqaaqday saxiixa Leonardo ayay Arsenal isku dayday inay iyagana u dhaqaaqaan balse waxay noqdeen kuwa ka soo daahay iyadoo Edu uu ku tashanayay in ciyaaryahanka uu Santos sii joogi doono ilaa iyo xagaaga.
Laacibkaan ayaana durba wacdarro u dhigaya Benrica iyadoo 20 jirkaan uu seddex kulan uu bedel ugu soo galay Benfica durbaba dhaliyay seddex gool isagoo ciyaaray kaliya 75 daqiiqo wadar ahaan.