Newcastle United ayaa ka baqaysa in lagu qasbi doono inay iibiso xiddiga reer Brazil ee Bruno Guimaraes oo 26 jir ah, si ay uga badbaaddo in lagu rido ganaax sababtiisu tahay inay jabisay sharciga dhaqaalaha. PSG, Manchester United iyo Arsenal ayaa si weyn u doonaya laacibkan. (Sun)
Tottenham ayaa Arsenal kula soo biirtay tartanka saxeexa weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak oo 24 jir ah, waxaanay labadan kooxoodba filayaan in Newcastle lagu qasbi doono inay iibiso laacibkan. (Football Insider)
Weeraryahanka Bologna ee Joshua Zirkzee ayaa doonaya inuu tago, inkasta oo uu dalabyo ka haysto kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Juventus. 22 jirkan reer Netherlands ayaa doonaya inuu sii joogo horyaalka Serie A. (Gazzetta dello Sport)
Arsenal waxa ay Liverpool iyo Man City kula tartamaysaa saxeexa khadka dhexe ee Bayern Munich ee Joshua Kimmich oo ah 29 jir uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Munich. (Talk Sport)
Weeraryahanka reer Sweden ee Viktor Gyokeres oo 25 jir ah, waxa uu safka hore kaga jiraa ciyaartoyda bartilmaameedka u ah Arsenal ee ay doonayso suuqa iibka ciyaartoyda, iyadoo qandaraaskiisana lagu burburin karayo 100 milyan oo Euro. (Caught Offside)
Dofaaca reer England ee Max Kilman oo u dheela Wolves ayaa waxa uu soo galay diiradda Manchester United oo ka fiirsanaysa inay dalab ka gudbiso. (Times)
Arsenal, Liverpool iyo Manchester United ayaa ku jira kooxaha danaynaya difaaca iyo garabka Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong. 23 jirkan reer Netherlands ayaa la sheegay in lagu heli karayo £35 milyan oo Gini. Football Insider)
Newcastle waxa ay doonaysaa inay la saxeexo khadka dhexe ee Real Madrid ee Dai Ceballos oo 27 jir ah. (Mundo Deportivo)