Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadata guulaha xidhiidhka ah iyo bandhigga aan hakadka lahayd ee ay ka samaynayso horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, iyagoo guul 3-0 ah oo ay ka gaadheen Brighton oo ay marti u ahaayeen kula wareegay hoggaanka horyaalka Premier League.
Arsenal oo toddobaadkii hore lumisay hoggaanka horyaalka markii ay barbarro goolal la’aan ah la gashay Man City, ayaa waxa ay hal dhibic dhaaftay Liverpool oo mar kale figta sare kusoo noqon doonta haddii ay Axaddi berri guul kasoo gaadho Manchester United oo ay ugu tegayso Old Trafford.
Saddex gool oo uu midkood rikoodhe ahaa oo ay qaybsadeen Bukayo Saka, Kai Havertz iyo Leandro Trossard, kuwaas oo sabab u noqday in kooxdoodu ay yeelato 71 dhibcood oo ay hal dhibic dhaafto Liverpool iyo Man City.
Arsenal ayaa 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka waxa ay guuleysatay 10 ka mid ah, halka kulanka kalena ay barbarro gashay oo ay waliba Man City barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen, taas oo ka dhigan in ay 33 dhibcood oo suurtogal ahaa 31 ka mid ah jeebadda ku shubteen.
Gunners oo awood culus kusoo bandhigtay Amex Stadium ayaa waxa guusha ay ku xaqiijisteen markii uu Tariq Lamptey xerada ganaaxa ku riday Gabriel Jesus, waxaana rikoodhihii loo dhigay gool u beddelay Bukayo Saka oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Bart Verbruggen, waxaanu goolkan oo dhashay daqiiqaddii 33aad uu noqday goolkii 14aad ee uu Saka dhaliyo xilli-ciyaareedkan ee horyaalka Premier League ah.
Jorginho ayaa hadiyad siiyey Kai Havertz oo isaguna dhinaca u dhowaa ee shabaqa ka sudhay kubadda daqiiqaddii 62aad, halka Leandro Trossard uu keenay goolka saddexaad dhamaadka ciyaarta oo ay afar daqiiqadood ka hadhsan tahay.
Gunners ayaa guushani ay keentay inay yeelato 71 dhibcood, halka Liverpool oo Axadda la ciyaaraysa Man United iyo Man City ay min 70 dhibcood leeyihiin.
Horyaalka Premier League oo ay ka hadhsan yihiin toddoba ciyaarood, ayaa waxa ay Arsenal kusii dhowaanaysaa in ay ku guuleysato horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2004, markaas oo uu Arsene Wenger u ahaa tababare.