Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in ay dejiyeen qorshe ay ku burburinayaan qandaraaska xiddig uu si weyn u doonayo tababare Mikel Arteta, si ay ugu xoojiyaan safkooda kaddib guul-darradii xanuunka badnayd ee ay Liverpool ugu xambaarisay Emirates Stadium.
Arsenal ayaa mar horeba macasalaamaysay oo ka hadhay tartanka FA Cup iyo Carabao Cup, waxaanay kaliya ku jirtaa Premier League iyo Champions League, taas oo ka dhigan in ay kala-badh ka hadheen koobabkii ay ku tartamayeen.
Mikel Arteta ayaa la sheegay in uu go’aansaday in uu kooxdiisa jooxiyo oo uu keeno ciyaartooyo cusub oo ka caawiya sidii ay goolal u dhalin lahaayeen, sababtoo ah ciyaartii Liverpool ee xalay waxay goolka toogteen 48 jeer, haddana waxa ay awoodi waayeen in ay shabaqa soo taabtaan.
Kai Havertz, Eddie Nketiah iyo Gabriel Jesus oo ah saddexda weeraryahan dhexe ee Arsenal ayaa saluug laga muujinayaa heerkooda dhalinta goolasha, waxaana markii ay ciyaartaasi soo dhamaatay fagaaraha iskeenay halyeygii Gunners ee Ian Wright oo sheegay in ay kooxdiisu u baahan tahay ciyaartoy dilaa ah.
Sida uuq oray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany, Arsenal; ayaa waxa ay go’aansatay in ay burburiso qandaraaska xiddiga Bayer Leverkusen ee Jeremie Fimpong oo difaaca midig ka ciyaara, kaas oo la sheegay in qandaraaskiisa lagu burburin karayo £34 milyan oo Gini.
Xabi Alonso ayaa u arka Fimpong in uu yahay ciyaartoy lama taabtaan ah, waxaana uu ka mid yahay xiddigaha sababta u ah in kooxdiisu ay ahaato naadiga kaliya ee aan illaa hadda laga badinin horyaallada waaweyn ee Yurub.
Jeremie Fimpong ayaa dhaliyey shan gool, lix kalena caawiyey xilli-ciyaareedkan, waxaana hadda ay Arsenal ay doonaysaa in ay laacibkan kasoo xoogto Leverkusen iyadoo bixinaysa lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa.