Weeraryahankii hore ee Arsenal ee John Hartson ayaa saadaal ka bixiyey kulanka adag ee la sugayo Axadda ee kooxaha Manchester City iyo Arsenal ee horyaalka Premier League, kaas oo la furmaysan yahay in natiijadiisu ay qayb weyn ka qaadan doonto kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League.
Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku martigelin doonta Arsenal oo hoggaanka hal dhibic kaga haysa, iyadoo dhamaadka xilli-ciyaareedkana ay ka hadhsan yihiin toban ciyaarood oo kaliya.
Liverpool ayaa dhinaca natiijada ciyaartani ay fursad u tahay sababtoo ah waxa ay isku dhibco yihiin Arsenal oo farqtiga goolasha kaga horreysa, iyadoo haddii Gunners laga badiyo amaba ay barbarro galaan ay Liverpool hoggaanka la wareegi doonto, balse waa in ay iyaguna kasoo badiyaan Wolves.
John Hartson oo ka hadlay ciyaartan ayaa saadaaliyey, in Manchester City ay qaadan doonto saddexda dhibcood ee kulankan, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan guusha siinayaa City. Waan ogahay in aan ahay ciyaartoy hore oo Arsenal ah, laakiin waxay ila tahay in City ay muhiim u tahay inay guuleystaan ciyaartan si ay u dhaafaan labada kooxood ee kale.”
Labada kooxood ayaa laba jeer oo hore soo kulmay xilli-ciyaareedkan, Arsenal ayaana badisay labadii jeerba. Ciyaartii hore waxa ay ahayd FA Community Shield oo rikoodheyaal ay ku kala baxeen markii ay ciyaartoodu ku dhamaatay 1-1. Kaddib ciyaartoodii horyaalka Premier League ee bishii October ee garoonka Emirates Stadium ayaa waxa 1-0 ay guushu ku raacday Arsenal.