Xiddiga reer England ee Marcus Rashford ayaa lagu soo warramayaa in uu ka tegayo kooxdiisa Manchester United dhamaadka xilli-ciyaareedka, waxaana hore loola xidhiidhinayay PSG hase yeeshee waxa hadda soo baxday koox kale oo horyaalka Premier League ah oo doonaysa inay la saxeexato.
Toddobaadkii hore, Rashford ayaa sameeyey wax aan loo baahnayn oo dhaqan-xumo ah waxaana uu qabsaday bogagga hore ee warbaahinta kaddib markii uu laba habeen kusoo jeeday hotel lagu tunto, kaddibna tababarka kooxdiisa kaga cudur-daartay inuu xanuunsanayo.
Erik ten Hag ayaa u ogolaaday tababarka in uu kusoo laabto Arbacadii, waxaana uu qayb ka noqonayaa kulanka caawa ee ay kooxdiisu waajahayso Wolves, iyadoo tababare Erik ten Hag uu shaaciyey in arrintan ay si hoose u dhamayn doonaan.
Sida uu qoray wargeyska Football Insider, kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysato xaaladda Rashford, waxaanay ka gudbin doontaa dalab marka la gaadho xagaaga.
Manchester United ayaa ku adkaysanaysa in aanay iibinayn Rashford oo ay u aragto xiddigeeda mustaqbalka iyo haddaba, hase yeeshee Arsenal ayaa isku dayi doonta inay u gacan haadiso laacibkan, balse PSG ayaa iyaduna dagaal ugu jirta oo doonaysa inay ka dhigato beddelka Kylian Mbappe.