Tabababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta Liverpool ee Arne Slot ayaa dhamaystiray saxeexiisii koowaad ee Liverpool uu keenayo, waxaana uu weerar ku qaaday naadigiisii hore ee Feyenoord ee uu dhowaanta soo macasalaameeyey.
Liverpool ayaa maalinta Sabtida ee June 1, waxa ay si rasmi ah usoo bandhigi doontaa tababare Arne Slot oo beddelaya Jurgen Klopp oo sagaal sannadood ahaa tababaraha Liverpool balse toddobaadkii hore macasalaameeyey.
Arne Slot oo ay da’diisu tahay 44 jir ayaa u ballan-qaaday taageereyaasha Liverpool in uu kooxda ka dhigi doono mid tartamaysa oo ay horumar ka samayn doonaan kaalinta saddexaad ee ay horyaalka Premier League kaga dhamaysteen xilli-ciyaareedka hadda dhamaaday.
Slot ayaa sidoo kale bilaabay saxeexyada shaqaalaha garbaha u noqon doona iyo ciyaartoyda uu ku xoojinayo safkiisa, waxaana uu hadda si rasmi ah u dhamaystiray saxeexa Ruben Peeters oo ah tababaraha jidh-dhiska Feyenoord oo uu kasoo qafaaqashay.
Peeters ayaa saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey waxa uu ahaa sirta ka dambaysa guulaha ay gaadhaysay kooxda Feyenoord, waxaana uu sidoo kale muddo lix sannadood ah kasoo shaqeeyey kooxda rer Belgium ee KRC Genk oo uu u ahaa tababaraha jidh-dhiska.
Waxa kale oo la filayaa in Slot uu keeno Liverpool Eteienne Reijnen oo noqon doona gacan-yarihiisa, Mark Burchill iyo Craig McKee oo iyaguna la shaqayn doona.