Garsooraha horyaalka Premier League ee Anthony Taylor ayaa shaaciyey kooxda uu taageeraha u yahay, isaga oo maantana dhaxdhaxaadinaya kulanka adag ee Manchester United iyo Liverpool ee garoonka Old Trafford.
Anthony Taylor oo kasoo jeeda Manchester oo uu ku dhashay, ayaa waxa xidhiidhka garsooreyaasha Ingiriiska ee PGMOL ay u doorteen in uu noqdo xaakimka kulanka ugu adag horyaalka Premier League maadaama Man United iyo Liverpool ay yihiin kooxaha ugu guulaha badan ee uu xafiiltanka taariikhiga ah ka dhexeeyo gudaha Ingiriiska.
45 jirkan oo ka mid ah garsooreyaasha ugu wanaagsan Ingiriiska waqtigan, ayaa waxa uu sheegay in aanu taageere u ahayn labada kooxood ee isku magaalada ah ee Manchester United iyo Manchester City ee ka wada dhisan magaalada uu isaguna ku dhashay, waxaana uu doortay koox kale oo aanad garanayn oo heerarka hoose ah.
Waraysi uu Anthony Taylor siiyey wargeyska The Athletic ayaa lagu weydiiyey kooxda uu taageeraha u yahay, waxaanu ku jawaabay: “Anigu waxa aan taageeraa Altrincham.”
Kooxda Altrincham ayaa waxa ay ka dhisan tahay xaafaha magaalada Manchester, waana naadi yar oo heerarka hoose ee Ingiriiska ka dheesha.
Sida uu dhigayo sharciga PGMOL, garsooreyaasha looma magacaabo kulamada ay ciyaarayaan kooxaha ay taageeraan, laakiin Anthony Taylor oo marar badan eedaymo loo jeediyey ayaa markii afraad intii uu shaqadan ku jiray waxa uu maanta qabanayaa kulanka adag ee Liverpool iyo Manchester United.
Markiisii ugu horreysay waxay ahayd sannadkii 2016 oo ay labada kooxood ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah, laakiin garsooreyaashii hore ee Premier League ee Mark Halsey iyo Keith Hackett ayaa waqtigaas su’aal ka keenay sababta Taylor loogu dhiibay ciyaartaas maadaama uu xaakimkani kasoo jeedo magaalada Manchester oo ay waliba tuhunsanaayeen inuu taageero Red Devils.
Labada jeer ee kale ee uu Anthony Taylor garsooraha u noqday Liverpool iyo Manchester United ayaa waxa kasoo baxay guulo waaweyn oo uu Jurgen Klopp gaadhay, waxaanay labaduba ahaayeen sannadkii 2021 oo Liverpool ay ku adkaatay 4-2 iyo 5-0.
Dhinaca kale, Jose Mourinho ayaa sii xoojiyey doodda ah in Anthony Taylor uu taageero Manchester United sababtoo ah dhawr ciyaarood oo naadiyadiisii Chelsea iyo Tottenham ay la ciyaareen Man United ayaa uu ka dareemay inuu u xaglinayo dhinaca Man United.