Goolhayaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Thiabut Courtois ayaa bixiyey waraysi cadho ka muuqato, waxaana uu sheegay in ay u caddaatay in la nacay oo uu go’aan ka gaadhi doono xulka qarankiisa Belgium.
Thiabut Courtois oo laga saaray xulka qarankiisa markii ay isku dhaceen Romelu Lukaku, isla markaana ay ciyaartoyda kale ee kooxda isku dhax canaanteen qolka labbiska ayaa waxa uu sheegay in uu qorshaynayo inuu go’aan ka gaadho mustaqbalkiisa ciyaaraha caalamiga ah.
Goolhayahan oo kasoo kabanaya dhaawac jilibka kasoo gaadhay, isla markaana fursaddiisa ka qayb-galka tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 uu shaki ku jiro, ayaa waxa uu xusay in uu dareemayo in aanay ciyaartoyda xulka qaranka Belgium iyo tababaruhuba ku xisaabtamaynin, xataa isaga oo ah kabtanka xulka.
“Qof walba waxa uu leeyahay fikrad u gaar ah oo arrintan ku saabtan, waana wax iska caadi ah, laakiin waxay ila tahay in aanay dad badan fahamsanayn wixii aan anigu arkayay. Arrintu inteeda badan kuma saabsanayn kabtannimada.” Ayuu yidhi Thiabut Courtois.
Waxa uu intaa ku daray: “Intii aan waqtigan (dhaawaca) ku jiray, ma jirin cid ila soo hadashay. Waxa aan dareemayaa in aanay igu xisaabtamayn, sidaa daraadeed, si degdeg ah ayaan u hadli doonaa. Waxa laga yaabaa in uu go’aankayguna noqdo mid degdeg ah, laakiin anigu binu-aadam ayaan ahay, waxa aan leeyahay dareen, mana ihi xayawaan.”
Thiabut Courtois waxa uu sheegay in aanu xulkiisa u ciyaari doonin tartanka qaramada Yurub, xataa haddii uu kasoo kabto dhaawaca oo uu kusoo laabto kooxdiisa Real Madrid, waxaanu yidhi: “Xataa haddii aan u ciyaaro Real Madrid wax ka badan hal kulan inta ka horreysa dhamaadka xilli-ciyaareedka, kama dhigna in aan 100% diyaar u ahay tartanka qaramada Yurub. Waan daawan doonaa ciyaarahooda xulka, sida aan haddaba sameeyo.
“Waxa aan rajaynayaa in ay meel fiican ka gaadhi doonaan. 2018kii waxay ahayd fursaddayadii ugu weynayd ee aanu koobka ku qaadi karaynay illaa hadda, waxa laga yaabaa in aanu hadda uga sii dhowaanno.”
Waxa la weydiiyey Thiabut Courtois in tababare Tedesco uu albaabada ka xidhay oo laga yaabo in aanu xulka mar dambe ugu yeedhin, waxaanu ku jawaabay: “Waynu arki doonaa waxa mustaqbalka dhaca. Anigu waan doonayaa in aan u ciyaaro Belgium … laakiin da’daydu marnaba masoo yaraanayso. Waan sii gaboogabayaaba hadda.”