Difaaca bidix ee kooxda kubadda cagta Liverpool ee Andy Robertson ayaa ka hadlay guul-darrooyinka xidhiidhka ah ee ku habsaday kooxdiisa oo afar maalmood gudahood laba jeer lagu garaacay garoonka Anfield, ka horna ay barbarro garoonka Old Trafford kula soo galeen Manchester United.
Liverpool ayaa rajadeedii ku guuleysiga horyaalka Premier League ay hantaaqo weyn la kulantay markii ay Axaddii shalay guul-darro kala kulmeen Crystal Palace oo 1-0 kaga adkaatay iyaga oo waliba ku sugnaa garoonka Anfield, waxaana goolka daqiiqaddii 14aad ka dhaliyey Eberechi Eze.
Guul-darran ayaa waxa kasii horreysay Atalanta oo 3-0 ku xasuuqday Khamiistii isla garoonka Anfield, halka Axaddii horena ay Man United barbarro ku qabatay, taas oo ka dhigan in Liverpool ay shan dhibcood oo horyaalka Premier League ah lumisay laba kulan oo isku xigay oo horyaalka ah.
21 jeer ayay Liverpool heshay fursado dahabi ahaa, waxaana goolal caddaan ah khasaariyey Curtis Jones, Mohamed Salah iyo Darwin Nunez, taas oo ka dhigan in hadda ay kaalinta saddexaad kaga jiraan horyaalka Premier League.
Sidoo kale, waxa shalay loo diiwaangeliyey rikoodh ceeb ahaa iyagoo barbarreeyey rikoodhkii ugu xumaa ee dhinaca difaaca ee sannadkii 1999kii iyagoo sagaal ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka ah goolal lagaga dhaliyey garoonka Anfield.
Andy Robertson oo ka hadlay guul-darrooyinka kooxdiisa ayaa yidhi: “Sheekadani waxay taagnayd kulamadii ugu dambeeyey, waana sababta la noogu ciqaabay ciyaarahan. Hadda waxa aanu ku dhibaatoonaynaa in aanu shabaqayaga ilaashano. Ma garanayno inta la naga dhaliyey 10kii ama 15kii ciyaarood ee ugu dambeeyey, laakiin ma aha goolal badan. Marka aad sidaa samayso, waa in aad ka faa’iidaysato fursaddaas.
“Wiilashayada afka hore waa inay si fiican u shaqeeyaan, difaacuna waa in ay isku duubnaadaan oo ay saqo fiican qabtaan. Markaa eedda waxa iska leh ciyaartoyda.”