Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa shaaca ka qaaday sababta uu uga hor istaagay Endrick inuu qaato rigooradii ugu dambeysay kulankii ay 4-2 rigoorayaal ah kaga adkaadeen Atletico Madrid wareegga 16-aad ee Champions League.
Macallinka reer Talyaani ayaa sheegay in qorshaha hore uu ahaa in xiddiga reer Brazil uu qaato rigoorada ugu dambeysa.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay inuu go’aanka ka laabtay kadib markii uu arkay wejiga da’yarka, taasoo ka dhigtay inuu doorbido ciyaaryahan kale oo kalsooni badan leh, taasoo keentay inuu xulkaasi siiyo Antonio Rüdiger.
Wuxuu warbaahinta u sheegay kadib ciyaarta: “Rigooradii ugu dambeysay waxaan ka shakisanaa cidda qaadaneysa, Rüdiger mise Endrick.
“Waxaan rabnay Endrick… Laakiin markaan arkay wejigiisa, waxaan go’aansaday in Rüdiger uu yahay xulasho wanaagsan .”
Real Madrid ayaa ugu dambeyn 4-2 kaga adkaatay Atletico Madrid rigoorayaal, waxayna hadda la ciyaari doonaan Arsenal wareegga siddeed dhammaadka ee Champions League xilli-ciyaareedkan 2024-25.
Dhanka kale, tababaraha Atletico Madrid, Diego Simeone, ayaa muujiyay caro kadib markii VAR ay laashay gool-ku-laadkii Julian Alvarez intii lagu jiray rigoorayaashii lagu kala baxay.
Go’aankaasi wuxuu saameyn weyn ku yeeshay ciyaarta, isagoo gacan ka geystay in Atletico Madrid laga reebo tartanka habeenkii Arbacada.
Rigooradii Julian Alvarez ayaa waxaa laashay VAR kadib markii lagu eedeeyay labo taabasho, taasoo noqotay mid beddeshay jihada ciyaarta.