Daafaca kooxda Liverpool iyo xulka England, Trent Alexander-Arnold, ayaa loo sheegay sababta aanu waligiis ugu guulaysan doonin abaalmarinta Ballon d’Or xitaa haddii uu si xor ah ugu biiro kooxda Real Madrid.
Heshiiska Alexander-Arnold ee Liverpool ayaa dhacaya dhawaan, mana jiro heshiis cusub oo ilaa hadda kooxda ay usoo bandhigtay. Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in xiddiga uu ku wajahan yahay Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda.
Inkasta oo ay jiraan tilmaamo sheegaya in daafaca uu ku guulaysan karo abaalmarinta ugu sarreysa ee shaqsiyeed ee Ballon d’Or, hadana halyeeygii hore ee Liverpool, John Arne Riise, ayaa rumeysan in ay aad ugu adag tahay xiddiga.
Isagoo la hadlayay BetMGM, Riise ayaa u sheegay GOAL:
“Wuxuu ku dhammeysan karaa inuu noqdo daafaca midig ee ugu fiican adduunka. Durba wuxuu ku jiraa shanta ugu sareysa, xitaa seddexda ugu sareysa.”
Riise ayaa intaas ku daray:
“Aad bay u adag tahay in aad ku guulaysato Ballon d’Or ka daafac ahaan. [Virgil] van Dijk kuma uusan guuleysan dhowr sano ka hor. Haddii qaab ciyaareedka Van Dijk uusan ku guuleysan Ballon d’Or, markaas qofna kuma guuleysan doono.”
Sidoo kale, Riise ayaa sheegay in Alexander-Arnold uu u baahan yahay tartan cusub si uu ugu sii jiro heerka ugu sarreeya.
“Waxay ila tahay in Trent uu raadinayo tartan kale. Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay taas si aad heerkaaga sare ugu sii jirto,” ayuu yiri.