Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Alejandro Garnacho ayaa taariikh cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib laba rikoodhe oo lagu galay ciyaartii Man United ay 2-0 ku garaacday Everton.
Manchester United oo laba guul-darro ay iskugu xigsiiyeen Fulham iyo Manchester City ayaa saddex dhibcood ka xoogsatay Everton, waxaanay dib usoo noolaysay rajadeedii ahayd inay ku tartanto kaalinta afraad.
Alejandro Garnacho ayaa noqday xiddigooda ka caawiyey guushan, waxaana daqiiqaddii 11aad xerada ganaaxa ku jillaafeeyey kabtanka Everton ee James Tarkowski, waxaana rikoodhahaas gool u beddelay Bruno Fernandes.
Mar kale ayuu Alejandro Garnacho rikoodhe u keenay kooxdiisa iyadoo xerada ganaaxa uu uu ku riday Ben Godrey, waxaana markan rikoodhahaas gool u beddelay Marcus Rashford, iyadoo labadaas gool ay ahaayeen kuwa go’aamiyey ciyaarta.
Mar kale ayuu Garnacho dalbaday in la siiyo rikoodhe markii kubbad uu laaday ay gacanta kaga dhacday Vitaly Mykolenko, balse VAR ayaa diidday iyadoo garsoore Simon Hooper uu ka dalbaday inay ka caawiyaan doodda ciyaartoyda Man United.
Labadan rikoodhe ayaa uu taariikh cusub ku sameeyey Alejandro Garnacho, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee tan iyo December 2021 lagu galo laba rikoodhe. Waxa waqtigaas laba rikoodhe lagu galay Antonio Rudiger oo xilligaas u ciyaarayay Chelsea kulan ay kooxdiisii hore la dheeshay Leeds United.
Sidoo kale, Everton ayaa rikoodh xun loo diiwaangeliyey, waxaana labadan rikoodhe ay noqdeen midkii lixaad iyo toddobaad ee laga dhaliyo xilli-ciyaareedkan, mana jirto koox ka badan oo xilli-ciyaareedkan laga dhaliyey toddoba rikoodhe inkasta oo ay isku mid yihiin West Ham.