Koobka Qaramada Afrika ee sannadkan 2024 ayaa la ciyaari doonaa finalkiisa maalinta Axadda, iyadoo Nigiera iyo Ivory Coast uu midkood calfan doono koobkan oo ay 24 waddan u dagaallameen laakiin ay iyagu noqdeen labada iskugu soo hadhay.
Nigeria iyo Ivory Coast waa labada waddan ee ugu awoodda weyn qaaradda Afrika dhinaca kubadda cagta, shakina kuma jiro in ciyaartooda finalku ay noqon doonto mid xamaasad leh oo uu mid walba u dagaallami doono inuu koobka ku guuleysto markiisii labaad qarnigan 21aad.
Ivory Coast waa waddanka martigeliyey dalkan, waxaanay haystaan taageereyaal badan oo usoo buuxin doona garoonka iyo dariiqyada waaweyn ee magaalada, isla markaana siin doona dhiirrigelin, laakiin Nigeria oo ah dalka ugu fiican intii uu tartanku socday marka la eego xogta diiwaangashan, ayaa laga dhaliyey laba gool oo kaliya intii uu tartanku socday oo dhan.
Goorma ayaa ugu dambaysay in Ivory Coast ku guuleysato Koobka Qaramada Afrika?
Iyadoo uu tababare u yahay Herve Renard ayay ku guuleysteen koobka qaramada Afrika sannadkii 2015, waxaana xiddigihii waaweynaa ee xulkaas hoggaaminayay ka mid ahaa Yaya Toure, Kolo Toure, Serge Aurier, Gervinho iyo Wilfried Bony.
Finalka ayaa waxa ay ku kulmeen Ghana oo ay si aad ah ugu dagaallameen, waxaanay ciyaartoodu kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah ama 0-0, waxaana rikoodheyaal loo dhigay 9-8 ku badisay Ivory Coast.
Goolhaye Boubacar Barry ayaa rikoodhe ka badbaadiyey Brimah Razak, kaddibna isaga ayaa kubadda soo qaatay oo dhaliyey rikoodhaha guusha, sidaasna ku noqday geesiga qarsoonaa ee xulkiisa.
Waxa uga horreeyey oo ay Ivory Coast tartanka qaramada Afrika ku guuleysatay sannadkii 1992kii.
Goorma ayaa ugu dambaysay in Nigeria ku guuleysato Koobka Qaramada Afrika?
Xulka lagu naanayso Gorgorrada ‘Super Eagles’ waxa ugu dambaysay inay ku guuleystaan koobka qaramada Afrika ee AFCON sannadkii 2013kii, waxaana xiddigihii waqtigaas u qaaday hoggaaminayey John Mikel Obi iyo Victor Moses.
Tababare Stephen Keshi waxa uu doorkan soo urursaday ciyaartooyo xooggan, waxaana geesigooda noqday Emmanuel Emenike oo goolashii ay ku tageen finalka oo ay la ciayareen Burkina Faso oo ay iyagana kaga adkaadeen 1-0, waxaana goolkaas u dhaliyey Sunday Mba.
Waa kuwee waddamada ku guuleystay Koobka Qaramada Afrika?
Masar ayaa ah dalka ugu guulaha badan Afrika, waxaana uu koobkan ku guuleystay toddoba jeer, halka Cameroon oo shan mar qaadday ay labaad ku jirto.
Labada waddan ee hadda iskugu soo baxay ee Nigeria iyo Ivory Coast waxay kala haystaan saddex (Nigeri) iyo laba (Ivory Coast)
Halkan kaga bogo toddobada waddan ee ugu guulaha badan
1: Egypt – 7 (1957, 1959, 1986, 1998, 2006, 2008, 2010)
2: Cameroon – 5 (1984, 1988 2000, 2002, 2017)
3: Ghana – 4 (1963, 1965, 1978, 1982)
4: Nigeria – 3 (1980, 1994, 2013)
5= DR Congo – 2 (1968, 1974)
5= Algeria – 2 (1990, 2019)
5= Ivory Coast – 2 (1992, 2015)