Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dheelaysa kulankeedii uu muhiimsanaa xilli-cyaareedkan, waana lugta labaad ee wareegga sideedda Champions League oo ay caawa marti ugu noqonayso Manchester City oo ay barbarro 3-3 ah ku dhamaysteen ciyaartoodii lugtii hore.
Real Madrid xasuuso fiican kuma aanay lahayn garoonka Etihad Stadium muddooyinkii dambe, laakiin hadda waxa dhiirigelin siinaysa bandhiggii ay sameeyeen lugtii hore iyo in horyaalka aanu culays ka haysanin oo ay siddeed dhibcood ka horreeyaan Barcelona.
Los Blancos ayaa waxa ciyaartan caawa ka maqnaan doona xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni oo ganaax ah, sababtoo ah kaadh digniin ah oo la siiyey ciyaartii lugtii hore, laakiin waxa kale oo dab kulaalaya afar ciyaartoy oo walaacku haya Carlo Ancelotti oo iyaguna halis ugu jira ganaax.
Dani Carvajal, Eduardo Camavinga, Vinicius Jr., iyo Jude Bellingham oo is-ilaaliyey ciyaartii lugtii hore ee Manchester City ee Champions League, waxa afartan ciyaartoy ay waajihi doonaan ganaax min hal kulan ah haddii ay caawa qaataan kaadhadh digniin ama huruud ah.
Arrintan ayaa walaac badan ku abuuraysa tababare Carlo Ancelotti oo naadigiisu uu dhibaatoon doono haddii ay usoo gudbaan semi-finalka iyadoo ay ciyaaryahannadani kaadhadh haystaan.