Rajadii horyaalka ee Liverpool ayaa ceel ka dhacday xalay ka dib guuldarro 2-0 oo ka soo gaartay Everton taasoo ka dhigan inay seddex dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal iyadoo afar kulan ay ka harsan taahy xilli ciyaareedka.
Halka Man City oo kaalinta 3aad ku jirto ay labo kulan u harsan tahay marka loo eego Liverpool iyo Arsenal. Haddii City ay badiso labada kulan ee u harsan iyada ayaa hogaanka labo dhibcood kaga qabaneysa Gunners, waxayna shan dhibcood ka sareynayaan Liverpool.
Hadaba waxaan eegeynaa afar waxyaabood uu qalday tababare Jurgen Klopp oo sababay guuldaradii Everton:
Wuxuu Ku Dhacay Dabintii Dyche
Durbadii ay ciyaarta bilaabay waa la arkayay taatikada uu tababare Dyche ku soo galay ciyaarta isagoo ciyaartoydiisa ku amray orod xawaare sarre iyo raacaho waali ah, Liverpool ayayna ku adkeyd inay barbareyaan xamaasada ciyaartoyda Everton. Laakiin qorshaha Dyche ma aheyn inuu sidaas ku ciyaaro balse waxay aheyd inuu Liverpool ku qasbo inay iyadana si xamaasadeysan u dheesho.
Xawaaraha ay Liverpool ku socotay ayaa noqday mid aan la xakameyn karin taasoo keentay inay sameeyaan qaladaad badan oo la sii saadaalin karay. Waxaa tusaale kuugu filan sida Alex Mac Allister uu ugu guuldareystay inuu kubada iska bixiyo isagoo hadiyad siiyay Jarrad Branthwaite.
Klopp ayay aheyd inuu markaas ka dib wax ka bedelo laxanka ciyaarta oo uu ciyaartoydiisa ugu baaqo inay ciyaarta dejiyaan oo orodka badan ay daayaan. Taas bedelkeeda waxay ku sii socdeen wadadoodii hore taasoo keentay Calvert-Lewin uu u labeeyo.
Endo Inuu Ku Soo Bilaabo Ayay Aheyd
Meelaha ay aadka uga liidatay Liverpool waa khadka dhexe iyadoo seddexda ciyaaryahan ee Curtis Jones, Mac Allister iyo Szobozlai ay noqdeen wax matarayaal marka loo eego dhigooda Everton. Khadkooda dhexe waxaa ka maqnaa burburiye khadka dhexe oo ciyaarta laxankeeda dejiya.
Liverpool waxay si fiican u ciyaareysay xilli ciyaareedkan marka Wataru Endo uu ku soo bilowdo booska burburiyaha khadka dhexe. Waa sax xiddiga reer Japan ma lahan awooda hal abuuris ee Jones ama Szobozlai laakiin waxa uu ahaa lama gudbaan marka uu dhex taagan yahay.
Haddii Endo lagu soo bilaabi lahaa, waxaa hakad geli lahaa fakadkii ciyaartoyda Everton iyo xawaarihii ay ku socdeen.
Darwin Nunez inuu ciyaarsiiyo ma aheyn
Klopp wuxuu soo bandhigay jaceyl weyn uu u qabo Darwin Nunez tan iyo markii uu kooxda ku yimid hishiis 64 milyan ginni ah, xitaa marka ay taageerayaasha ku baaqayeen in keyd la geliyo ciyaaryahanka.
Waxaa daafacyada Everton ka farxiyay in Nunez mar kale lagu soo bilaabay ciyaartii xalay, iyadoo daafacyada dhexe ee Branthwaite iyo Tarkowski ay shaqadooda u sahlanaatay.
Taageerayaasha qaar ee Liverpool ayaa xitaa ku baaqayay in xiddiga akadeemiga Jayden Danns in lagu soo bilaabo laakiin Klopp wuxuu ku adkeystay Nunez kaasoo mar kale fursado qasaariyay gaar ahaan fursad weyn oo ciyaarta wax ka bedeli laheyd ka hor waqtigii nasashada.
Wuxuu Ka Daahay Bedelada
Iyadoo markii horeba ay xulashadiisa qaladaad ku jirtay hadana tababaraha ayaa sidoo kale ka daahay bedeladii uu ku sixi lahaa ciyaarta. Qeybtii hore ayaa cadeyn u aheyd in Liverpool ay u baahneyd isbedel, laakiin Klopp waxay ku qaadatay ilaa daqiiqadii 63aad inuu bedel sameeyo.
Haddii uu bedelada keeni lahaa waqtigii nasashada Liverpool waxay fursad u heli laheyd inay ka hor tagto in labo gool lagu hogaamiyo. Laakiin waqtigii bedelada keenay waxay aheyd xilli xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen.