Inkastoo ay Man United natiijooyin fiican heleysay todobaadyadii ugu danbeysay, hadana tababare Erik ten Hag waxaa sugaya shaqso dib u dhis ah xagaaga.
Sir Jim Ratcliffe oo saami ka iibsaday kooxda ayaa doonaya inuu adkeeyo kooxda xagaaga laakiin waxa ay dejiyeen qorshe suuqa kala iibsiga ah oo ka duwan midkii hore.
Sida ay sheegtay ESPN, siyaasada cusub ee Shayaadiinta Cas Cas ayaa ah inay u dhaqaaqaan kaliya ciyaartoyda galaya 12ka bilood ee ugu danbeeya qandaraasyadooda, madaama ay doonayaan inay ka fogaadaan inay jabiyaan sharciga cusub ee dhaqaale wanaaga kooxaha Premier League.
United waxa ay heystaan lacag ay qarashgareeyaan laakiin waxay doonayaan inay si caqliyeeysan uga soo adeegtaan suuqa kala iibsiga si Ten Hag uu kooxda uga dhigo mid mar kale u tartameysa hanashada horyaalka Premier League.
Afar ciyaaryahan oo Manchester United ay dooneysay xagaaga waxay kala yihiin.
JOSHUA KIMMICH
Kimmich waxa uu ka mid yahay xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican Yurub, wuxuuna galayaa sannadkii ugu danbeeyay ee qandaraaskiisa Bayern Munich. Laakiin Man United waxay tartan kala kulmeysaa Man City iyadoo Pep Guardiola uu aad u jecel yahay Kimmich, halka Liverpool iyo Tottenham ay isha ku hayaan.
ALPHONSO DAVIES
Inkastoo Man United ay heysato Luke Shaw oo qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaya hadana Man United ay dooneysa inay u dhaqaaqdo 23 jirka Alphonso Davies iyagoo u arka bedelka mudada dheer ee Shaw kaasoo dhaawacyada u nugul.
JONATHAN DAVID
United waxay u baahan tahay gooldhaliye weyn madaama aysan ku tiirsanaan karin kaliya Rasmuj Hojlund, halka Rashford uu doorbidayo inuu garab ka dheelo iyadoo Antony Martial ay u badan tahay inuu baxayo xagaaga.
Jonathan David waa xiddig tayo fiican leh waxaana uu hogaaminayay weerarka Lille tan iyo 2020kii, isagoo haatan ah weeraryahanka ugu fiican France isaga iyo Kylian Mbappe.
KHEPHREN THURAM
Thuram ayaa xagaagii hore ku dhawaa inuu ku biiro Liverpool, wuxuuna 22 jirkaan khadka dhexe diirada u saraan yahay Manchester United xagaagan, isagoo ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee da; yarta ah ee ugu fiican dunida.
Thuram ayaa loo arkaa inuu yahay bedelka Christian Eriksen oo la filayo inuu todobaadkan ku biiro Galatasaray haddii ay suurtogeli weysana waxa baxayaa xagaaga soo socda.