Daafaca Paris Saint-Germain (PSG), Achraf Hakimi, ayaa muujiyay niyad-jabkiisa kadib guuldaradii 1-0 ee kooxdiisa kasoo gaartay Liverpool kulankii lugta hore ee wareega 16-ka Champions League ee ka dhacay Parc des Princes. Hakimi ayaa sheegay in Liverpool ay u ciyaartay si taxadar leh oo u eg inay raadinayeen barbaro, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ciyaar sidan oo kale ah aysan mar kale soo laaban doonin.wuxuu sheegay iney si awood leh usoo laaban doonaan oo ay liverpool ku xasuuqi doonaan Anfield.
Intii lagu guda jiray ciyaarta, PSG ayaa lahayd maamulista kubadda iyo fursado badan oo goolal ah, balse waxay ku guuldareysteen inay fursadahaas ka faa’iideystaan, taasoo ugu wacaneyd bandhig heer sare ah oo uu sameeyay goolhayaha Liverpool, Alisson Becker.
Go’aanka ciyaarta ayaa yimid daqiiqadihii ugu dambeeyay markii Alisson uu baas dheer u dhiibay Darwin Nunez, kaasoo u sii dhiibay beddelka soo galay, Harvey Elliott, kaasoo dhaliyay goolka guusha 47 ilbiriqsi kadib markii uu garoonka soo galay.
Hadallada Hakimi ayaa muujinaya niyad-jabka PSG ee ku aaddan inay ka faa’iideysan waayeen fursadahooda.wuxuu Hakimi ugu baaqay kooxdiisa inay horumariyaan bandhiggooda kulanka lugta labaad ee ka dhici doona Anfield.
Labada kooxood ayaa si weyn isugu diyaarin doona kulanka labaad, iyadoo PSG ay dooneyso inay ka soo kabsato guuldarada, halka Liverpool ay ku dadaali doonto inay sii xajisato faa’iidadeeda.